Hargaysa 18.Nov 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee JSL Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa shaaciyey in maanta la saxiixay xeer nidaamiyaha xeerka saxaafadda Somaliland (Xeer NO.27),Kaas oo ahaa Xeerkii Dhaqan galka ahaa ee uu Saxeexay Madaxweynihii Hore ee Somaliland.
Wasiirka Warfaafintu waxaa kale oo uu u sheegay in la abuurayo Gudida anshaxa Saxaafada isla markaana ku ilaalinaysa Qaybaha Warbaahintu inay dabaqaan Xeerkan isagoo intaas ku daray in Xarunta Gudidani ay noqon doonto Akaademiga Nabada iyo Horumarka .
