Uncategorized

Xubno Miisaan Culus ku Lahaa Saaxadda Siyaasadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhawaan ku Biiro Doona Xisbiga Waddani

Hargeysa:Nov,19,2014(SDN/QJ)-Xubno Miisaan culus leh, kana soo shaqeeyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa wada hadal kaga mid noqonayaan Xisbiga Waddani ku yeeshay Magaalada Hargeysa.

siraaMasuuliyiintan oo u badan Wasiirro xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumaddan jirta, ayaa maalintii shalay kulan qado ah Hutel Mansor kula qaatay Hoggaanka Xisbiga waddani, waxana kulankaasi daarranaa sidii Bulshada loo dareensiin lahaa in Kooxdaasi dhawaan ka dhex hilaaci doonto Xisbiga.

Xubnahan oo qaarkood shacanka  magac iyo maamuus ku Leeyihiin, ayaa waxa kamid ahaa wasirradii hore ee Wasaaradaha Caafimaadka, Maaliyadda, Warfaafinta, Arrimaha Gudaha, Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Badhasaabkii hore ee Goboladda Maroodi-jeex iyo Togdheer, waxana la  iska xogwaraystay sidii loo qabanqaabin lhaaa munaasibadda ay kooxdani kaga midnoqonayso Xisbiga Waddani.

Kooxdan ooh ore ay seefta Madaxweyne Siilaanyo ula tagtay, ayaa shir iyo talo badan oo ay yeesheenisla gartay inay ku biiraan Xisbiga waddani, maadaama ay u arkaan Cudud si fudud meesha uga saari karta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo dhawaanahan bulshadu kasii jeeddo.

Kulankan ayaa waxa kooxdan ku casuumay oo fadhiyey Guddomiyaha Xisbiga waddani Mudane Cirro oo ay indhihiisu qabanayaan Taageerayaal indho-sarcaad ah oo kaga soo qulqulaya Gudaha iyo dibadda somaliland.

Shacabka ayaa iyagu si dhaw ula socda Cududan cusub ee Xisbiga Waddani kusoo biirtay, waxana  ay sugayaan waxa ay kooxdani kusoo kordhin doonto baaxadda xisbiga Waddani oo u muuqda Mucaarid haatan garaadda-goys ah oo qaangaadhay.

Xukuumadda ayaa iyadu u muuqata mid si dhaw ula socota kulamada dhexmaraya Waddani iyo Kooxdan  hore looga tuuray Tareenka Kulmiye, waxana ay dhawraysaa sida ay kooxdani taageero u keeni doonto.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com