Uncategorized

Dalada Xuxuufiyiinta Puntland ee MAP oo canbaareeyay dil Gaalkacyo

Garoowe Nov 19,2014(SDN/QJ)-Dalada Suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa wax laga xumaado ku tilamaamay Dilkii Foosha Xumaa ee lagu khaarijiyay Wariye C/risaaq Cali Cabdi oo xalay lagu khaarijiyay magaalada Galkacayo. Marxuumka waxa uu ka hawlgeli jiray Idaacadda Daljir, sidoo kalena Waxaa uu ka hawlgeli jiray Telefishanka Horncable.

*nin ku hubaysan Bastoolad ayaa madax ka toogtay Wariye C/irsaaq Silver oo markaa fadhiyay Baar ku yaal Xero Darwiish, waxaa la fadhiyay nin Saaxiibkiis ah.Nin Wax dilay iyo Nman kale oo la socday ayaa goobtii ka cararay.

Dhowr jeer ayaa Silver loogu hanjabay in la dilayo. Waxaa uu si ammaan ahaan ugu guuray Mid ka mid ahaa hoteeladda Magaaladda Galkacayo* ayuu yiri sii raaciyay C/fitaax Cumar Geedi.

Ma jirto ilaa iyo Hadda Cid ama Koox sheegatay inay masuul ka ahayd Dilka Wariye C/risaaq Silver.

Ururka Suxufiyiinta Puntland Waxaa uu si adag u cambaaraynayaa Dilkaas Foosha xumaa, Naxariis darnaa ee lagula kacay Wariye C/risaaq Silver, Waxaana uu ka codsanayaa Dowladda Puntland inay Baarto Dilkaas,sharcigana hor keento Dambiilayaasha

*Waxaan aad uga naxay Dilka Wariye Silver, si adag ayaan u cambaaraynaynaa Dilkaas,. Waxaa uu ahaa Wariye Firfircoon oo lafdhabar u ahaa Wariyaasha ka howlgala Puntland, gaar ahaan Magaaladda Galkacayo,* ayay tiri Xoghyaha Warfaafinta ee Ururka MAP Faadumo Maxamed Maxamuud

 

SDN/QJ-Garoowe

contact@qurbejoog.com