Muqdisho 20.Nov 2014 (SDN/QJ)- Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Sangub) ayaa loo doortay maanta guddoomiyaha Golaha Abwaannada Qaranka Soomaaliyeed, waxa kale oo la doortay Guddoomiye kuxigeen, Guddoomiye kuxigeenka labaad iyo Xoghayaha Golaha.
Munaasibadii loo sameeyey doorashada hogaanka cusub ee Abwaanada qaranka Soomaaloyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ka soo qeybgalay Abwaano, iyo marti-sharaf tiro baddan.
Afhayeenka Golaha Cismaan Cabdilaahi Guure oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu sharraxaad ka bixiyay wax-qabadkii Golaha Abwaannada tan iyo markii la aasaasay iyo heerka uu maanta marayo.waxaanu yidhi“Waa maalin-weyn maanta, maadaama Golaha Abwaannada Soomaaliyeed uu hoggaamin doono Abwaan Sangub oo taariikh ku leh fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed,”.
Waxa Guddomiye ku-xigeenka waxa loo doortay Xirsi-dhuux Max’ed Weheliye, halka Guddoomiye xigeenka labaadna loo doortay, Cabdulqaadir Abaabul iyadoo xoghayaha golahana loo doortay uu Aadan Biid oo ah dhamaantood dadka aad loo wada yaqaano.
Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Sangub) oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday taageero la siiyo si loo muujiyo fanka iyo suugaanta, taas oo uu sheegay inay muddo dheer ahayd mid aan muuqan, waxaanu yidhi “Innagu siyaasiyiin ma nihin, waxaanu nahay bulshada Qaranka…. Fannaankuna waa inuu ahaado mid u shaqeeya dowladdiisa, dadkiisa iyo Qarannimadiisa, cid weliba oo naga dal-bata inaan qayb ka qaadanno xallinta khilaafka siyaasadeed ee madaxda dalka diyaar ayaan u nahay, maadaama aanan ahayn dad dan gaar ah leh,”
Abwaan Sangub ayaa xusay in fanku yahay dawada Qaranka, cid uu garab gaar ah siinayo ma jirto,isla markaana waxa uu codsanaynaa buu yidhi si aan Qarankeena u daweynno in garab nala siiyo, cid waliba oo dani naga gashana ay nala shaqeeyaan.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
