Uncategorized

Drs MARYAN WARSAME…GABADH SOMALIYEED OO AQOON IYO KARTI ADUUNKA KAGA YAABISAY (PRT2)

Kadib markii ay dooratay Iney ka shaqayso dalka Tanzania, Maryan Warsame wexey aad ula shaqaysay kormeerihii iyo madixii baarista cilimga caafimaadka ee dalka Tanzania mudane Andrew Kitua. Wexeyna tiri “Waxaa hiigsiga iyo dhabar adayguba ii gaarsiiyeen inaan hoggaamiyo kooxo ka kooban 40 cilmi baare oo cilmibaaris kasoo sameeyey in ka badan 200 tuulo. Wexeyna raacisay si aan u xaqiijiyo himilooyinkayga wexey ahayd inaan dadaal u galo sidii aan u guul gaari lahaa aniga oo ah gabar Muslim madow ah. Aragtidaan Maryan Warsame wexey gaarsiisey in mageceedana lagu daaboco in ka badan 40 daah-fur cilmiyeed.

Dr Hans Rosling, agaasimihii hore ee global health division ee machadka Karolinska Institute wuxuu yiri “Maryan wexey caan ku tahay diirsad saarida iyo dhaqso uga guul-gaaridda howlaha ay u qunto ama loo igmado. Sidoo kale Maryan intii ay ka tirsanayd machadka Karolinska wexey aad u caawin jirtey ardayda kale ee ajnebigaa, wexeyna qiime weyn ku lahayd madaxda iyo ardayda machadkaas.

#Kaalintii ay ka qaadatay horu-marinta Sharciyada caafimaadka.

Laga soo bilaabo 2007, Maryan Warsame wexey la shaqeyneysey hey’adda caafimaadka aduunka (WHO) iyadoo ka tisan madaxda sar sare ee Barnaamijka Duumada. Barnaamijkaan oo taageero iyo hagidba aduunka ka siiya cudurka duumada, wexey tababar, tayayn iyo taakulaynba u fidisay xirfadley caafimaad oo aad u badan oo ka mida madaxda Barnaamijka duumada ee aduunka oo dhan Somaliyana ka mid tahay.

Maryan wexey balan qaaday Iney mar walba ka go’antahay Iney tababar iyo tayaynba la garab taagantahay saynisyahanada Somaliyeed ee soo koraya. Wexey tiri “Marka aan howl-gab (retires) noqdo waxaan waqti dheeriya siindoonaa kobcinta aqoonta xirfadleyda caafimaad ee dalkayga hooyo waxaana waqti siindoonaa qorista taariikh nololeedkayga iyo halgankii aan aqoon wanaaga iyo nolo wanaaga ku xaqiijiyey.

Tixraaca.

1. https://www.youtube.com/watch?v=IvaaKOb3XF8

(Marian Warsame – Medical Officer for the WHO’s global malaria

programme).

2. http://www.who.int/entity/tdr/news/2014/woman-scientist-somalia/en/