Uncategorized

Dhacdo Aan Dunida Dunida lagu Arag 400-Sano oo La Arkay Sanadka 2014-ka

Brusels:Dec,04,2014(SDN/QJ)-Saynisyahanno ku xeel dheer baadhista culuumta ayaa ku dhawaaqay in sanadkan sii galbanaya ee 2014-ka uu noqday Sanadii ugu kululaa ee Soo Mara Adduunkan aynu ku suganahay.

sheg11-kii bilood ee la soo dhaafay ayaa ahaa kuwa ugu kulul oo ay shacabka Yurub ay aad ula amakaageen ayaa lagu sheegay daraasadaas oo si qoto dheer lagu sameeyey.

Sanaddan ayaa noqonaysa midi ugu kululayd ee dunida tan iyo markii la bilaabay in la diiwaan galiyo heerkulka oo ahayd sanadii 1772.

Cilmi-baadhayaasha ayaa sheegay in cimilo isbedelka uu sabab u yahay kulaylka dheeraadka ah ee sanadkan uu la yimid.

Bishii August ayaa ahayd bishii ugu qaboobayd ee waddanka UK ee sanadkan, waxana uu sanadka 2014-ku  galayaa recordka caalamka hadii aanay December isbedel keenin.

“Eeda ugu wayn waxaa iska leh qashinka warshadaha oo hawada wasaqeeyay, ganacsatadu waxaa ay ka fakaraan kaliya faa’iido balse ma fiiriyaan mustaqbalka fog iyo faya dhowrka deegaanka, dowladuhu waxaa looga baahanyahay in la yimaadaan siyaasad lagu xakameeyo warshadahaasi iyo ganacsatadaasi si loo badbaadiyo bay’adda iyo duunyada ku noolba” ayuu yidhi mid kamid ashkhaasta horboodaysa daraasadani.

Kaliya UK iyo Yurub maaha kuwa ka cabanaya kulayka balse dunida horumartay oo dhan ayaa waxaa saamayn wayn ku yeeshay cimilo isbedelka iyo kulaylka joogtada

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com