Uncategorized

“Miyaanay ayaandarro ahayn in madaxweynuhu yidhaahdo qabyaalladda Halla daayo, Wasiirradiisuna ay qadooyin dadka u sameeyaan iyagoo kusoo xulay reernimo…..” Mu, Boobe Yuusuf

Hargeysa:Dec,04,2014(SDN/QJ)-Wasiirkii hore  Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta somaliland Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa Ka hadlay Xaallada Guud ee dalku haatan marayo iyo Dhaliilaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Dusha ka saaran.

boobeMujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo u warramayey Tv-ga Horn Cable, ayaa si taxadar leh uga Hadlay  Dhibaatooyinka dalka ka taagan iyo sida uu xisbigii Kulmiye dibadda uga Yahay taladii uu usoo halgamay, isagoo carrabta ku dhuftay in Cidkale Madaxtooyada gashay,isla-markaana ay  si kale u rogtay habsami u socodkii Xisbiga uga qorshaysnaa inuu Dalka ku Hoggaamiyo,

“ Ayaan darrooyinka dalkan yaallla wax aka mid ah marka ay ku hadaaqayaan xisbul-xaakimka  xisbul xaakim dalka ka taliyaana ma jiree dalkan xukuumad baa ka talisa, wax qarsoona ma aha inkastoo dadka qaarkii ay shaashadaha soo fadhiistaan oo ay yihdaahdaan ama tan ayaanu samayn ama tan kale ayaanu samayn xaqiiqada jirtaa waa in talada dalkani ay gacanta ugu jirto madaxtooyada oo aanay gacanta ugu jirin  xisbiga Kulmiye ee sheegta inuu yahay Xisbul xaakim,  Markaa tani waa mid kala socota oo aanu xisbigu jirin oo ah wax lagu soo adeegtay oo lagu tagay madaxtooyada ah weeye, xaqiiqaduna waa inaanu xisbigii tegin madaxtooyada ee ay cid kale tagtay.” Ayuu yidhi Muj. Boobe Yuusuf Ducaale.

Mujaahid Boobe waxa uu sheegay inaanay dadku ku dulloobayn xaqiraadda iyo cago-juglaynta ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku Hayso, isagoo intaas ku daray in la Hadli doono ilaa iyo inta Dulmigu dhamaanayo,

“Hadal Joogsan Maayo inta Dulmi jiro inta Deelqaaf jiro, inta ku xad-gudub jiro dadku wuu  hadlayaa dadkuna ma dulloobayo baahiduna dadka ma dullayso.” Ayuu yidhi Boobe.

Waxa  kale oo uu Mujaahidku carrabaabay dulmiga ka jira dhinaca warbaahinta iyo Xarumaha Warbaahineed ee wali xidhan, waxana uu tilmaamay inay dhacdooyinkaasi yihiin qaar ay taariikhdu xusi doonto, waxana uu yidhi,

“waa ayaan darro  in somaliland oo waayo dimuqraaddiyadeed ku jirta oo adduunyadu ku majiirato in maanta la waayo oo ay saaxadda ka maqan yihiin Haatuf iyo Hubaal, ayaandarraduna waa in xidhay wargeysyadaas oo eeddii waxa galay oo xidhani waa warqaddii, waa khadkii waa madbacaddii, waana bar madow oo ku taalla maamulkan waana bar madow oo somaliland ku taalla, Habeenadana waxaynu arkaynaa dhallinyaro la xidhayo, waxyaabaha la yaabka lehna waxa kamid ah Goobo ay dhallintaasi munaasibado ku lahaayeen la weeraray oo la xidhxidhay.”

Waxa uu Boobe Yuusuf Ducaale ka Hadlay dhawaaqyo dhawaan Madaxweynaha kasoo baxayey, kuwaas oo salka ku hayey in qabyaalada laga dheeraado, isagoo tilmaamay in wasiirrada xukuumadda ku jiraa ku Hawllan yihiin arrimo reereed, waxana uu yidhi,

“miyaanay ayaandarro ahayn in madaxweynuhu yidhaahdo qabyaalladda Halla daayo, Wasiirradiisuna ay qadooyinka dadka u sameeyaan iyagoo kusoo xulay reernimo oo ay kaadhadh ku qoreen, musharraxnimadii lala tegi lahaa Golaha dhexena miyaanay ayaandarro ahayn in reeraha dhexdooda lala yimaaddo oo qayilaad lagu ballamiyo oo dabadeedna carruurtii yaryarayd lagu xidho reer Hebel baad sheeganaysaan.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com