Boosaaso:Dec,04,2014(SDN/QJ)-Saraakiil iyo ciidamo ka tiran Maamulka Puntland ayaa lagu laayey qarax lala eegtay gaadhi ay saarnaayeen, kaas oo marayey Waddo u dhaw Buuraleyda Galgala oo ay Kooxaha Shabaabku ku dhuumaalaystaan.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu Gubay Guud ahaa Gaadhigi uu Qabsaday oo Xubnaha Dhintay oo la sheegay in ay Gaadhayaan 12 qof oo gaadhiga Saarnaa ayna ka mid ahaayeen Laba Sarkaal oo Hogaaminayay Kooxda Daraawiishta ee Halkaas Joogtay iyo sidoo kale 10 Maleyshiyaad ah oo Ilaalinayay.
Lama kala sheegin Magacyada Labada Sarkaal ee Qaraxa ku Dhimatay, Balse Wararka ayaa sheegaya in ay Xubno Sar sare ka Ahaayeen Daraawiishta Puntland.
Kooxda Al-shabaab ay Bog Warark u Fidiya oo ay Internet-ka ku Leedahay ku sheegatay Mas’uuliyadda iyo sidoo kale in ay Saraakiil Sarsare Halkaas ku dileen, mase aanay Sheegin Jagada iyo Magacyada Xubnaha Halkaa ku dhintay.
Al-shabaab tan iyo Markii laga qabsaday qeyb ahaan Galgal, waxaa ay Billaabeen Weeraro Gaadmo ah oo isugu Jira Qaraxyo, iyo kuwo Toos ah oo ay ku Qaadayaan Ciidamada iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland ee Doonaya in ay Halkaas tagaan.
Maamulka sare ee Puntland, ayaan wali dhinacood ka Hadlin dhibaatada soo gaadhay Ciidankooda, waxana la filayaa inay dhawaanahan war kasoo saari doonaan arrintaas.
SDN/QJ
