Uncategorized

Dil Toogasho ah Oo Saaka Lagu Fuliyey Saddex Qof Oo Laba Kamid ahi Askar ahaayeen

Muqdisho:Dec,04,2014(SDN/QJ)-Waxa saaka aroortii Hore xukuno dil ah ay Maxkamadda Ciidamada Derejada Koowaad ku fulisay sadex qof oo lab aka mid ahi ay askar ahaayeen, kuwaas oo lagu eedeeyey inay hore  dilal ugeysteen.

waregMid ka mid ah ragga dilka lagu fuliyay ayaa lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana uu dilay wiil Kaamira Man ahaa oo uu dhalay Wariye ka howl galayay Warbaahinta Dowladda.

Saddexda ruux ee saaka dilka lagu fuliyay ayaa waxay kala ahaayeen Ibraahim C/laahi Cali oo hore u dilay Wiil Filim qaade ahaa oo lagu magacaabi jiray Sakariye Maxamed Maxamuud Macalin oo uu ku toogtay Degmada Shibis Ee Gobolka banaadir sanadkii 2012, sidoo kale waxaa uu dilay Ex Dable Cali Mambuuq waxaa kale oo ka mid ahaa dadka Saaka la toogtay C/laahi Cartan Maxamuud oo 22 jir ahaa horayna uga tirsanaa Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya kaas oo hore u dilay Axmed Cabdraxmaan Shariif oo uu ku dilay Degmada Shibis ee Gobolka banaadir iyo Qofka kale ee saaka la dilay ayaa waxaa ka mid ah Ex Dable C/fitaax Axmed Cabdi oo 29 jir ah oo isna ka tirsanaa Ciidanka Dowladda horena u dilay Maxamuud Xasan Maxamed.

Xukunkan dilka ay fulisay Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa waxaa ka mid noqonayaa dilal ay bilihii la soo dhaafay ay fulineysay Maxkamada waxaana ugu badnaa dhalinyaro lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo hore dilal u geystay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com