Uncategorized

Haweeney Mareykan ah oo si fool xun loogu dilay Abu Dubai

Dubai Dec 04,2014(SDN/QJ)-Ciidamada amaanka ee magaalada Dubai ayaa sheegay in Haweeney Mareykan u dhalatay in dhawaan si fool xun loogu dilay mid ka mida goobaha laga adeegto ee magaaladaasi.

Ruuxa dilay Haweeneydaan oo muuqaalkeeda la shaaciyay ayaa waxa uu xirnaa xijaab lamina garanayo in uu ruuxaasi ahaa Lab ama Dhedig.

Haweeneyda la dilay oo Macalimad ka aheyd mid ka mida dugsiyada sida Gaarka ah loo leeyahay ee magaaladaasi.

Haweeneyda la dilay ayaa lagu gaaday mid ka mida suuliyada ku yaala rugta ganacsi, ruuxa dilay ayaa midi kuwa wax lagu karsado ah dilka u adeegsaday.

Haweeneyda oo magaceeda la shaacin ayaa dhashay sadex caruur ah oo haatan ku jira gacanta Police-ka isla markaana aboohood oo Mareykanka ku nool lala sugayo.

Ma jirto cid sheegatay dilka Haweeneydan isla markaana Police-ka ayaa sheegay in ay gacan ka doonayaan shicibka si gacanta loogu soo dhigo ruuxii ka danbeeyay dilka.

 

SDN/QJ-Dubai

contact@qurbejoog.com