Uncategorized

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo Xukuumada ku eedeeyay inay Hor istaagtay Dhaarintii Xubnaha Komiishanka Doorashooyinka DAAWO

Hargaysa 04.Dec 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),ayaa xukuumada Siilaanyo ku eedeeyey in gudida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ay ka hor istaagtay in la dhaariyo,sida oo kalena ay u diiday in u baxaan tobabarkii khuseeyey dhinaca hawlahooda shaqo in ay dalka dibadiisa ugu baxaan.waxaana uu xukuumada iyo maxkamada sareba ugu baaqay in mudnaan gaar ah la siiyo in la dhaariyo komishank doorashooyinka iyo in ay u baxaan tobabarkii ay ku soo qaadan lahaayeen dalka dibadiisa.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta ka hadlaayey munaasibad balaadhan oo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku soo dhawaynaayey Siyaasiyiin,Aqoonyahan iyo taageerayaal kale oo mug iyo miisanbale oo ku soo biiray xisbiga WADDANI.