Uncategorized

Akhri Magacyada Saddex Wariye Oo Ku Geeriyooday Qaraxyadii Baydhabo iyo Goobihii ay Ka Hawlgeli jireen

Baydhabo:Dec,06,2014(SDN/QJ)-Qaraxyadii shalay Maqribkii ka dhacay Gudaha Baydhabo, ayaa dadkii ku geeriyooday waxa kamid  ahaa Wariyayaal Saddex ahaa oo Magaaladaas ka Hawgeli jirey.

shufSaddexdan Wariye oo dhammaantood caan ahaa ayaa waxay ka shaqayn jireen Warbaahinta kala duwan ee Ka Hawlgasha Magaalada Baydhabo, waxana ay ku naf waayeen Qaraxaas shalay dhacay.

Magacyada wariyayaashan Geeriyooadya,  ayaa kala ahaayeen,

Cabdiqaadir Xasan Mayow, Maxamed Isaaq Barre (Makeey) iyo Cabdiqaadir Maanad, waxana Meydadkooda loo qaaday Dhinaca cisbitaalka, waxana la filayaa in maanta halkaas lagu aasi doono.

Wariye Cabdiqaadir Maanad waxa uu ka tirsanaa Somalichaneltv iyo Radio Warsan oo Baydhabo ka hawlgala, iyadoo Maxamed Isaaq Barre (Makeey) uu ka tirsanaa Kalsantv, halka C/qaadir Xasan Mayow uu ka hawlgeli jiray Somsattv.

Maqaaxida la weeraray, ayaa ahayd goob ay fadhiisan jireen Masuuliyiinta Dowladda, Siyaasiyiinta deegaanka iyo Suxufiyiinta ka hawlgasha Magaalada Baydhabo.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com