Uncategorized

Faahfaahinta Qaraxyadii Shalay Baydhabo Ka Dhacay iyo Tirada Dhimashada Oo Kor usii kacaysa

Baydhabo:Dec,06,2014(SDN/QJ)-Maamulka K/Galbeed Somalia ayaa faahfaahin ka Bixiyey Khasaaraha Qaraxii shalay ka Dhacay gudaha magaalada Baydhabo oo dhimasho iyo dhaawac badani ka Dhasheen.

iibeAfhayeenka Maamulkaas Siyaad sheikh Cumar, ayaa sheegay in dhimashadu kor u kacday, isla-markaana dadka qaarkii ay qabaan dhaawacyo daran oo aan waxba laga qaban Karin,

“Dhimashadu waxay maraysaa ilaa 14-qof waxana dhaawacu marayaa 32-qof, dhaawacyada culusna xamar baa la geynayaa wixii aan halkan waxba lagaga qaban Karin.” Ayuu yidhi Siyaad Sheekh Cumar.

Afhayeenku waxa uu tilmaamay nabadda iyo Kala Dambaynta ka jirta Magaaladu keentay in laga faa’iidaysto oo qaraxyada sidaas u culus lasoo abaabulo, waxana uu yidhi,

“Meeshani waxay ahayd Faras-magaalo, waana meel camiran ujeeddaduna waxay ahayd inay khasaare Badan gaadhsiiyaan shacabka, fursadaana way ka Faa’iidaysteen xilli ammaan badani jirey”

Qaraxyadii shalay dhacay waxa ay noqdeen kuwii ugu waaweynaa ee muddooyinkan dambe ka dhaca Gudaha Baydhabo, waxana ku le’day Shacab aan wax siyaasad ah Ku lug  lahayn oo siyaasadda aan ku xidhnayn.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com