Muqsisho:Dec,06,2014(SDN/QJ)-Maanta oo Bisha December tahay 6-, waxa loo ballansan yahay in Golaha shacabka la horgeeyo mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Ra’isal wasaare Cabdiweli oo muddo dagaal kaga socday Dhinaca Madaxtooyada Somalia.
Ilaa shalay iyo xalay waxa Madaxtooyada iyo Hutellada waaweyn ee Magaalada Muqdisho laga dareemayey xod-xodasho iyo isu guur ka dhexsocday Xulafada Madaxweynaha oo ay ka Go’an tahay inay Meesha ka saaraan Ra’isal wasaaraha oo maalmahan u muuqday nin kalsooni badan ka qaba Mooshinka Baarlamaanka kaga socda.
Garabka madaxtooyada oo taageero ka helaya wadamada IGAD iyo kuwa Khaliijka Carbeed ayaa adeegsanaya wada kasta oo ay ku heli karaan 139 cod kulanka Maanta oo ay ugu horeyso bixinta lacag, balan qaadyo kuraaseed iyo wax kasta oo u suurta gelinaya eryinta Cabdiwali oo ay rumaysanyihiin inuu yahay caqabadda hortaagan hamigooda siyaasadeed.
Xogta Warbaahintu helayso ayaa tibaaxaysa in guud ahaan xildhibaanada iminka ku sugan magaalada ay caga-cagaynayaan ku dhawaad 240 mudane, waxaana hal bacaad lagu lisay noqonaysa dadaalka mooshin wadayaasha oo looga baahanyahay 139 cod, waa hadii ay dhab noqoto sheegashada difaacayaasha wasiirka koowaad oo hoosta ka xariiqaya inay iminka haystaan 122 mudane codadkood, inkasta oo natiijada kama damabaysta ah la ogaan doono maanta.
Maxaa dhacaya hadii lagu guul daraysto eryinta Ra’iisul Wasaraha.?
Hadii kulanka Maanta madaxtooyadu ku guuldaraysato eryinta Ra’iisul Wasaraha waxay guul taariikhi ah u noqon doontaa Cabdiwali Sheeh Axmed iyo taageerayaashiisa oo hore tiro ka sadex jeer u hor istaagay mooshinka, wax mooshin ahna lagama keeni karo xukuumada muddo 6 bilood ah sida uu qabo dastuurka.
waxaana suurta gal inuu shaqada ka eryo wasiirada amar ku diidada ku sameeyay ee ku jira golihiisa wasiirada, iyadoona laga yaabo inuu ku bedelo kuwa la hayb ah oo kujira mudanayaasha baarlamaanka.
Warar hoose ayaa sidoo kale tibaaxaya qorshayaasha labaad ee miiska u saaran madaxtooyada ( Plan B) hadii ay guul daraystaan inay kamid yihiin in in kabadan kala badh goloha sawiirada lagu qanciyo inay is casilaan, si markale xukuumada cusub ee Cabdiwali uu soo dhisi doono kalsooni u weydiisato baarlamanka si halkaas markale isbaaro loogu dhigto, iyo in madaxweynuhu ku dhawaaqo xilka qaadis inuu ku sameeyay wasiirka koowaad maadaama aanay wada shaqayn karin baarlamaankuna ku guul daraystay inay ka eryaan, taas oo aan dastuurka meel ku lahayn.
Waxa dhici karta in hadii taasi dhacdo beesha caalamku soo fara geliso isla markaasna loo jeexo khariidad (Road map) ay kuwada shaqeeyaan wakhtiga u hadhay sida hore u dhacday xilligii Shariif iyo Gaas.
Hadiise codka kalsoonida uu waayo waxaan shakki ku jirin in Cabdiwali Sheekh uu mar kale u shaqo tagi doono hay’adihii caalamiga ahaa ee mudada dheer uu ka soo shaqaynayay, xulufada Villa Soomaaliyana markale doonaan Ra’iisul Wasare ay iska soo hubiyeen dabacsanaantiisa laakiin waxay falanqeeyaasha siyaasada isku raacsanyihiin inuu dhaawac halis ah u gaystay iminkana aanay haysan taageerada beesha caalamka, waxaana loo aqoonsanyahay Mr Cabdiweli inuu yahay ra’iisul wasaarihii isticmaalay awoodiisa dastuuriga ah.
SDN/QJ
