Uncategorized

“Waxaan xukuumada u soo jeedinaya inay baadhis ku samayso cidii soo abaabushay rabshada iyo marin habaabinta lagu sameeyay dhalinyaradaas” Aadan Dhoolayare

Hargaysa 06.Dec 2014 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee Cadaaladda Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) ayaa  ku baaqay in xukuumaddu ay baadhis ku samayso cidii soo abaabushay dhalinyaradii rabashadaha ka sameeyay xaflad xisbiga WADDANI ku qabsaday Huteelka Crown ee caasimadda Hargeysa.

dhoolayareAadan Dhoolayare waxa kale oo uu ka dayriyay adeegsiga qabyaaladda oo xadhkaha goostay, waxaanu ugu baaqay xukuumadda inay sii dayso dhalinyaradda la magac-baxday Jiida oo uu ku dooday inay ka dhasheen khilaafaadkii xisbiga KULMIYE ka jiray oo dan danno gaar ah lihi sameeyeen.

Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uu caawa soo saaray oo u dhignaa sidan:-“Waxaan qoraalkan jeclahay inaan ku eego xaaladaha aynu ku jirno xiligan iyo gadgadoonka siyaasadeed ee ka jira dalka.Waxaan jeclahay inaan fikirkayga iyo tallooyinkayga ka dhibto arrimahan,taas oo aan kaga hadlayo tallooyin aan u soo jeedinayo Xukuumadda oo ku saabsan dhacdooyinka siyaasadeed ee jira.

Tusaale ahaan, waxaa beryahan dambe xadhiga goostay qabyaalada oo noqotay wax aan lala gabban oo si qaawan looga hadlo,lana xeerin waxyaabihii laga xishoon jiray,taas oo maraysa in lagu beero dhalinyarada ,haweenka.

Waxaana jirta in xukuumadda iyo mucaaradkuba ay si xadka ka baxsan u adeegsadaan qabyaalada

lagana baahiyo warbaahinta iyada oo qaawan,haddaba maadaama  ay hayso xukuumaddu tallada dalka inay ogaato inay masuuliyada u badan ka tahay loona baahan yahay inay ka soo saarto xeerar adkaynaya inaan qabyaalad lagaga hadal meelaha fagaarayaasha ah iyo warbaahintaba.Islamarkaana ay ka xishoodaan dadku inay si xun ugu hadlaan qabyaalad qaawan gaar ahaan madax-dhaqmeedku.

Ta kale waxaan ugu baaqayaa xukuumadda inay xoriyadooda u soo celiso dhalinyarada la magac baxday JIIDALI,sababtoo ah sida ay dad badani aaminsan yihiin dhalinyaradan waxay ka abuurmeen xisbiga Kulmiye oo dad dano gaar ah lihi sameeyeen loona sameeyay mucaaradad xukuumada ah, imakana ay faraha ka baxday sidii loo joojin lahaa,taas oo ay xukuumadu kaga jawaabtay xadhig lagula kacay dhalinyarada la marin habaabiyay.

 

Iyada oo ay xukuumada  u furayd inay  ku xaliso tallaabo ka wanaagsan xadhiga.Waxaan aad uga xumahay dhalinyarada dalka oo ay haystato shaqo la’aan oo aanay haysan camal ama maaweelooyin kale oo loo sameeyay in loo adeegsado nidaam xun oo ay ku danyastaan dad aan u naxariisanayn  oo wata dano gaar  ah.

Waa nasiib darro inay dhalinyaradu u qaybsamaan wax tahriiba oo isku midaamiya badaha iyo qaar loo adeegsado dano gaar ah.Dhalinyaradan waa mustaqbalkii wadankan,waxaana loo baahan yahay inay helaan fursado uu ku hagaago mustaqbalkoodu.

Waxaanan xukuumada u soo jeedinaya inaanay sas ka qaadin dhalinyaradan JIDALI,oo ay ogaato inuu xil weyni ka saaran yahay sidii loo toosin lahaa.

Anigu waxaan qabaa inaanay dhalinyaradani samayn mudaaharaad iyo rabshado kale toona balse ay xor u yihiin fikirkooda.Sidaasi darteed, waxaan soo jeedinayaa in inta xidhan ay xukuumadu u soo celiso xoriyadooda.

Arrinta kale ee aan jeclahay inaan ka hadlo,waxay ay tahay arrintii ka dhacday Hudheelka CROWN hotel,oo rabshad ay sameeyeen dhalinyarro ay cidi ka dambayso una soo adeegsatay inay sameeyaan qas ay ku  buuqayaan xafladii Xisbiga Waddani ee ku saabsanayd soo dhaweyntii xubnihii ku soo biiray.

Waxa dalkan ka hana qaaday dimuqraadiyad ay xisbiyadu ku loolamaan tallada dalka waxaanay u dhici jirtay si qurux badan oo nabad ah.

Waxa kale oo ka dhexay jiray tartan loogu ololaynayo sidii ay ugu beratami lahaayeen kala badsashada xubnaha miisaanka ku leh siyaasada oo caadi ahayd in xisbi waliba si nabada ah u qabsado xafladahiisa kana dhici jirin rabshado la isu soo adeegsado dhalinyaro la soo khalday iyo qas la isku sameeyo.

Waxaa nasiib darro ah inay tahay wax ku cusub Somaliland oo aan caado u ahaan jirin,haddii ay abuurato xaaladaha noocan oo kala ahi waxa aan ka digayaa inay xisbiyadu si nabadgelyo ah u qabsan kari waayaan xafladahooda iyo munaasabadaha u gaarka ah, taasina ay keeni doonto rabshado iyo jahawareer xataa saamayn ku yeelan karta doorashada dhici doonta haddii uu ILAAHAY idmo.

Sidaasi darted,waxaan xukuumada u soo jeedinaya inay baadhis ku samayso cidii soo abaabushay rabshada iyo marin habaabinta lagu sameeyay dhalinyaradaas isla marka ay gacan bira ah ku qabato cidii ka dambaysay si aanay inoogu horseedin dhaawac ku yimaada geedi socodka nidaamka dimuqraadiga ah oo qof waliba xor u yahay fikirkiisa isaga oo ku cabiraya si nabadgelyo ah oo aan cidna wax u dhimayn.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa tallooyinkan inay xukuumadu  ilaaliso nabadgelyada islamarkaana ogaato inay masuul ka tahay dhammaan xisbiyada iyo cidda ku biiraysa isla markaana madaxweynuhu  u wada yahay madaxweyne mucaarad iyo muxaafidba.

Waxaan kale oo aan u soo jeedinaya mucaaradka inay u hadlaan una ololeeyaan si qiima leh oo aan ku jahaysnayn shakhsi oo ay tilmaamaan,toosyaana xukuumada una sheegaan iyaga oo aan cid gaara ah ku xumaynayn.

Waxaan rajaynayaa in loo qaato nasteex oo ah sidii uu ilaahay iyo dadnimaduba na faraysay inaanu sheegno runta una sheegno xukuumada iyo mucaaradkaba. oo ay ku jirto danteenu. wa bilaahi tawfiiq.”.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com