Hargeysa:Dec,08,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha somaliland iyo Ku-xigeenkiisa oo ay weheliyaan Marwadiisa, taliyaha Ciidanka Booliska iyo xubno ka mid ah Golihiisa wasiirrada, ayaa Xalay Fiidkii hore Booqasho aan micnaheeda la fahmin ku tegay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland.
Booqashadan xalay, ayaa ahayd mid kedis ah, waxana lagu warhelay Waftigan madaxweynuhu watay oo lagu soo dhaweynayo Gudaha Xaruntaas oo ay Heegan kusii ahayd Wasiir Samsam Cabdi Aadan oo Saaxiib dhaw lah ah Marwada Madaxweynaha, isla-markaana wali haysata Kursigii ay ku fadhiisatay Maalintii Xukuumaddani dalka qabsatay.
Madaxweynaha iyo waftigan uu watay, ayaa la arkayey iyagoo qol qol u gelaya xaruntaas, waxana xiiso gaar ah lahaa in Nalalka xaruntaasi leedahay qaarkood ay shaqayn waayaana sababta loo aanaaneeyey inaan nalalkaaasi abidkoodba la daarin.
Inta Badan xarumaha Dawladda ayaa marka laga reebo Madaxtoyada iyo Jeelasha aan habeenkii wax shaqo ah qabanin, waxana kaliya ay shaqeeyaan Maalintii oo shaqada dawaladdu u badan tahay.
Booqashadan xalay ee Madaxweynaha iyo waftigiisan ayaa waxay ahayd mid u eg farriin uu bulshada caalamka u dirayey, balse Gudaha somaliland, waxa looga arkaa mid dhuumasho ah oo uu madaxweynuhu ku diidan yahay in xilli bulshadu soo jeeddo uu booqasho noocan oo kale ah sameeyo.
Madaxweynaha somaliland, ayaa dhawaanahan u muuqday mid luminayey taageerada Bulshada qaybo kamid ah, waxana jira dareen cabudhineed oo lagu hayo Bulshada dareenkooda iyo xorriyadooda, waxana ay taasi keentay in da’yar badani beddelaaan taageeradii ay hore madaxweynaha ugu hayn jireen.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu dhawaanahan joojijiyey Booqashoyinkii uu hore ugu tegi jirey Gobaha bulshadu ku kulanto, waxana uu horraantii xilkiisa laasimay Booqashada Goobaha Hutellada ee Bulshadu iskgu timaaddo, taaso u keeni jirtey Taageero badan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
