Uncategorized

Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Ururka Daliban Oo Xorriyadiisa Loo Celiyey

Kabul:Dec,08,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Ammaanka Waddanka Afghanistan, ayaa xorriyadiisa u celiyey Latif Mehsud oo kamid ahaa sarakiisha ugu sarraysa ururka Daliban.

jaeCiidammada Nato ayaa waxa ay sanadkii hore ku qabteen bariga dalka Afkhanistan, oo u dhow soohdinta Pakistan, markaa wixi ka dambeeyeyna ciidammada Mareykanka ayaa ku hayay saldhiga Bagram.

Ilaa iyo hadda lama shaacin sababta loo sii daayay, balse khubarada ayaa sheegaya in tallaabadan ay tahay mid aan caadi aheyn, waxa ayna u dhowdahay in ay anisixiyeen maamulka Afghanistan.

Waxa ayna tani calaamad wanaagsan u noqon kartaa baal cusub oo u furma xidhiidhka dalalka Pakistan iyo Afghanistan, tan iyo markii uu madaxweynaha cusub, Ashraf Ghani, uu booqday magaalada Islamabad bishii la soo dhaafay.

Iyada oo ay Nato ay soo gabagabeyneyso howlgalkii ay ka waday dalka Afghanistan, ayaa waxa muhiim ah in dalka ay dariska yihiin ay ka wada shaqeeyaan arrimaha ammaanka iyo in wadahadalo nabadeed ay la yeeshaan Talibaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com