Waxaa loo doortey nidaamka Dimuqraadiga ah in hogaamiyaha dalka laga dhexdoorto xisbigiisa dhexdiisa ,kadibna shacabka loo soo ban-dhigo si loogu codeeyo mudo kooban oo 5 sanadood ah dareenka shacabka iyo doorasho xor iyo xalaal ah si ay shacabku ugu ciil-baxaan codkooda, dareenkooda, damiirkooda, garashadooda iyo garaadkooda.Dastuurka ayaa muwaadin kasta oo reer Somaliland ah udamaanad qaadaaya in dimuqraadiyada si xalaal ah oo badheedh ah in la isugu dhaliilo, la isugu tilmaamo oo la isugu toosiyo oo weliba la isugu ololeeyo si xilalka qaranku ay meerto unoqdaan oo ay digtaytarnimadu meesha uga baxdo dimuqraadiyaduna umeelmarto oo uhirgasho. Hadaba waxaa nasiib-daro ah maanta, in madaxtooyada jirtaa aaney la heyn milgihii, karaamadii iyo kartidii ay ku ababin laheyd kuna falkin laheyd fikirkii hanaanka geedi socodkii Dimuqraadiga ee SL ee curdinka ahaa taas oo u baahneyd in hada loo sii gogol xaadho dariiq toosan doorashooyinka isbarkan ee fooda inagu soo haya. si ay doorashooyinku ugu dhacaan si xor ah oo xalaal ah waqitigii loogu talo galey, waxa kale oo ay waxagaradka SL ay isku wada raaceen in ay weli inoo huurasan tahay oo aan la daaweyn oo aan la iska qancin oo la iska bogsiin mililkii, caabuqii iyo canbaartii ay reebtey Doorashadii Golayaasha degaanka ee wadanka ka dhacdey sanadkii 28/11/12 taas oo ay xukuumada hada jirtaa ay sidey doontey ka yeeshay oo boobtey ilaadadii iyo foodkii shacabka Somaaliland.
Muwaadinow markaad ufiirsato aragtida heeryo xumida dheelidey, sahanka ay dirato iyo foolxumida hiraalka muuqaalka guud ee xukuumada Siilaanyo, waxaa kuu cadaaneysa in ay tahay Xukuumad aan waxba falkin, aan feenin oo aan fikir fangareyn iyo fahmo badan isu keenin taas oo Horumarkii, Higsigii iyo Himilooyinkii wadanka oo dhan isugu keentey oo keliya Halaan-hal,Himbiriirsi, Hilaac been ah, Qawda maqashii waxna haw-qaban iyo “dhagax dhig oo dhaaf” iyo dam-dam aan qorsheysneyn oo gole ka fuul ah iyada oo caadeysatey in xukuumadani ay
– Mikirifoono been ah uun ku adinto,iyada oo qaadeysa heesta ah “Wadadu – Wadey Daalibeysaa ee Wado-Wado -ku-xanib” oo kolba 5 km wado yar oo qaadhaan lagu dhisey maqas la huleesha oo isku sawirta iyada oo ay dalka ka jiraan Dayacaado faro badan oo ka muuqda hayadihii bud-dhiga iyo baleysinka u ahaa qaranka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, gaar ahaan arimaha xaasaasiga ah sida tayenta cadaalada iyo amniga, la dagaalanka faqriga iyo saboolnimada , dhawrida xaqa muwaadinka iyo xuquuqul insaanka iyo ilaalinta xaalufinta baya’da iyo degaanka. Waxaana taa u sii dheer Xukuumadan xidid iyo xigaal xooleys: xuurteysi, xabkeysi, Xag-xagasho, xiqdi, xabad, xadhig , xadaafiir iyo xayiraad aan xad laheyn oo lagu riday xoriyatal-qawlkii iyo warbaahintii madaniga aheyd ee xorta aheyd sida ( Haatuf-Hubaal iyo Somaliland times ) Waxaana ay damaan anfacii iyo iidaankii dalka, qandaraasyadii,dhulkii danta guud, mansabkii ,dhamaan agabkii iyo ilihii dhaqaalaha ee qaranka oo dhan ay ka wada yeeshay weecsin, beegsin ,ka daneyso oo ku daneyso. qaado aan qaatee iyo kula lihi iyo kaa lihi.
– Xukuumada Siilaanyo ee Faan jecel waxay shacabka ugu balan qaadey oo ay ka dhawaajisey labo barnaamij in uu qorshaha wax qabadka ee dalku uu ku sar go’an yahay;
1- Ka hore wuxuu ahaa Buugii cagaarnaa oo isagu aan sooba dhaafin 100-kii caano maal ee ay xukunka ku cusbeyd ee ay qaldhabeysey ee ay qawdhameysey ee ay hormo-qamaamka haraadan kala horeysey ka dibna ay markiiba ay dabada ka tuurtey buugii oo aan cidiba isweydiin wixii la qabtey iyo intii hadhey.
2-Ka labaadna wuu ahaa qorshe hawleedkii higsiga qaranka ee 5-ta sanadood ahaa ( National Somaliland Development Plan 2012-2016 ) qorshe hawleedkaa oo ay isagana ka qortey buug yare loogu magac darey ( The way Forward ) oo ay qortey wasaarada qorsheynta qaranku, buugaas oo madaxtooyada iska tiirsan si gaalada kolba loo tuso ayaa isna waxaa kudhamaa oo ku xardhanaa qorsheyaashii hamiga horumarka iyo higsiga qaranka ee ay shacabka reer Somaliland iyo Deeq-bixiyayaashaba ay xukuumadu carabkooda ku canqarisey ee ugu cel-celisey 4-tii sanadood ee la soo dhaafey qorsheyeyaashan ayaa iyaganuna noqdey ” Hal bacaad lagu lisey” maadama laga qabtey oo keliya wax yaabo yar yar oo maadi ah oo kharashkooda ay deeq-bixiyayaashu bixiyeen sida daaraha wasaaradaha ee xididka iyo xigaalka qandaraasyada ay ku siisey iyo deyrarka yar yar ee ku wareegsan oo keliya.
Waxay Xukuumadani ku caanbaxdey wasiiro is xaqira oo ukala sareeya sida loogu kala dhaw yahay muska iyo miscirirta xayndaabka madaxtooyada, Taas oo laga dhawaajiyey in golaha wasiirada (fulinta) ay weeteeyaan oo ku doobyaan una dhibi listaan afarta wasiir ee shacabku hada u yaqaano ” 4-ta idman ama 4-ta wax og ” waxaa iyana laga dhawaajiyey in talada bud-dhiga qaranka iyo jaangoynta siyaasada ee dalku aanu ku iman hada talo-wadareed maskaxtuujin ah oo loo dhan yahay ee ay ka godo oo keliya 4-ta idman iyo dumar iyo duflaal iyagu uhaysta in xil-gaar ahi iyaga dalku ka saaran yahay.Waxaana taa ka sii daran aqoon la’aanta maamulka,maareynta iyo nidaamka isku wada dhex-furan ee wada saameeyey dhamaan hayadahii dawlada maadaama aaney jirin xilgudasho, isxisaabin, xalibnaan ( transparency ) higsi,hufnaan,iyo halbeeg wax qabad ( quality insurance ) tisqaad,target iyo tilmaame sugan ( indicators ) taas oo keentey oo ku abuurtey Xukuumadan ishuwan,wado-shaqeyn la’aan, kala qeybsanaan awoodeed oo xukuumada dhexdeeda ragaadisey.Waxaana laga dhawaajiyey in aaney xukuumadu laheyn haba yaraate xilgudasho wadareed taam ah ( team work ). Waxaa waxgaradka reer SL oo hada iyagu wadnaha faraha ku hayaa ay isku raaceen in ay maanta dalka ka taliyaan koox yar oo aan loo dooran hogaanka dalka lakiin si yar oo sibiq ah hogaanka dalka ku soo booday oo u maroorsadey Kuwaas la lumay oo Xukuumadii ka dhigey xukuumad ” is-nuug ah” oo dhaqaalaha wadanka 70% ay ku soo shubmaan iyada iyo inta ku xeeran xeyndaabkeeda madaxtooyada. waana iyaga iyo Allahood !!
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
