Uncategorized

Akhri Liiska 8-Xubnood Oo Madaxweynuhu Doonayo Inuu Midkood U Magacaabo Ra’isal wasaaraha Dalka

Muqdisho:Dec,09,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu weli wadaa Latashiyo uu ku baadi goobayo Ra’isulwasaaraha Cusub ee Somalia, waxa uuna Dadaal xoogan ku bixinayaa sida uu ku heli lahaa R/wasaare ku fakir noqonkaro si Khilaaf looga badbaado.

SIDELa taliyayaasha Madaxweyne Xassan ayaa waxaa kamid ah Faarax Sheekh C/qaadir oo kaalinta koowad ugu jiray Mooshinwadayaashii kasoo horjeeday R/wasaarihii kalsoonida waayay.

Shaqsiyaadka ugu cadcad qabashada Xilkaasi ayaa  kala ah Kuwan soo socda:

1- Bashiir Nuur Bidaar Musharax hore

2- Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka KMG wasaarada Maaliyada.

3-Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka.

4- Saciid C/llaahi Den, oo hore Wasiir Qorsheynta uga soo noqday Xukuumadii C/wali Maxa’ed Cali Gaas.

5- Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda.

6- Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo Xubin firfircoon ka ah Baarlamaanka.

7- Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka.

8- C/laahi Ciilmooge oo Wasiir kasoo noqday Xukuumadii Shirdoon.

Sidoo kale waxaa jira hadal heyn ku aadan Xubno kale oo iyaguna u sharxan Xilka R/wasaarenimo, inkastoo Madaxweyne Xassan uu xooga saarayo sidii uu shaqsiyaadkani kor ku xusan uga soo dhex saari lahaa R/wasaaraha Cusub.

Arrinta la fili karo ayaa ah,ra’iisul wasaaraha cusub inuu ka iman karo beelaha Leylkase, Majeerteen iyo Ogaadeen,balse ma jirto cid si rasmi ah u caddeysay.

Ugu dambeyn,xoggaha aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynuhuu uu doonayo si dhaqso ah inuu ku soo magacaabo ra’iisul wasaaraha,maadaama ay waqti badan ku qaadatay soo magacaabistii ra’iisul wasaarihii hore.

SDN/0QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com