Hargeysa:Dec,10,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Cabdicasiis Maxamed Samaale, shalay khudbad uu ku durayey Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ay sababtay in madaxweynaha lagu mudaharaado oo shacabkii halkaas joogay ay ka dhiidhidhiyaan Hadallo uu diiday inuu joojiyo oo uu microfonka kula kaliyeystay.
Hadallada Wasiir Samaale oo uu ka jeediyey Madal uu madaxweynuhu xadhiga kaga jarayey Xarunta Cusub ee SONYO, ayaa waxa si weyn uga xanaaqay dhallinyaro badan oo halkaas joogtay, waxana ay bilaabeen Buuq iyo sawaxan Hoose oo ay ku diidan yihiin Hadallada wasiir Samaale.
Dhallinyaro tiro badan oo goobtaas ku sugnayd, ayaa guux iyo tashuush badan ku furtay haladii dhaliisha ahaa ee uu wasiir Samaale kula dul kufay Mujahid Boobe Yuusuf Ducaale, waxana lagu kallifay Wasiirka inuu joojiyo hadalkaas, amaba uu wax ka beddelo shakhsi weerarka uu kula kacay Mujaahidka hore u soo qabtay xilka wasaaradda Warfaafinta somaliland, haatana ka tirsan Xisbiga waddani.
Wasiir Samaale ayaa markii uu arkay inay xaaladdu isbeddeshay hadalkiisii ka dhigay mid Guud, waxana uu iska dhigay mid aan cid gaar ah u jeedin ee si guud ula hadlaya dhammaan dadka dhaliila xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Masuuliyiintii Halkaas ku sugnayd qaar kamid ah, ayaa laftooda wajiyadooda laga dheehanayey sida aanay u jeclaysan Hadalka wasiir Samaale, maadaama uu ahaa mid uu si cad ugu weeraray shakhsi wasiirka laftiisa hore ugu riday Hadallo halhays noqday oo ilaa iyo haatan Goobaha la iskugu yimaaddo lagaga sheekaysto.
Wasiir Samaale ayaa u muuqday mid daba socday, isla-markaana doonayey inuu madaxweynaha hortiisa kaga aarguto Wasiirkii hore ee Warfaafinta Muj. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(boobe), oo hore Wasiirka iyo Kooxda la fikirka ah ugu Bixiyey Magaca Haatan Bulshada dhexdeeda caanka ah ee “Haakah Ma Sugtada”, kaas oo wasiirka ku noqday Naanays xumo uu ka tallaabsan kari waayey.
Magaca Wasiirka Maaliyadda iyo Kooxdiisa uu Mujaahid Boobe u bixiyey ayaa waxa si weyn wasiirka ugu isticmaala Dhallinyarada iyo waxgaradka Beesha oo si weyn uga soo horjeedda Go’aanka ay kaga hadheen Hankoodii Musharraxnimo ee ay la geli lahaayeen Madaxweyne Siilaanyo oo si weyn loo sugayey, balse ay dhawaan ka fadhiisteen.
Wasiir Samaale, ayaa mudo soo hayey xilka wasaaradda Maaliyadda, waxana uu intaas ku faanayey kordhiska Tirada Miisaaniyadda, balse waxa uu ku guuldarraystay inuu Kor u qaado heerka Nololeed ee Bulshada somaliland, isagoo sidoo kale ku guuldarraystay inuu yareeyo Heerka Hanti-lunsi eek a jira Kasmatada iyo Goobaha uu dhaqaaluhu kasoo galo somaliland.
SDN/QJ
