Hargeysa:Dec,22,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa Jawaab ka Bixiyey Shirar Waxgaradka Beeshiisu dhawaan ku shaaciyeen In Musharraxnimada Beesha Dhexdeeda looga Hadhay Muj. Muuse Biixi Cabdi ooDoonaya inuu Doorashooyinka Kuwa sanadkan la qaban doono ka dambeeya isu soo taago.
Wasiir Samaale ayaa sidoo kale ku Nuux Nuuxsaday Aragtida uu ka qabo Tallaabada Xubno Guddida Horumarinta Beeshiisu ku sheegeen in Isaga(samaale) iyo Maxamed Biixi Yoonis cod lagaga reebay Muuse Biixi Cabdi oo haatan Noqday Ninka Codkaas kusoo baxay.
Waxa uu Wasiirku sidoo Kale Jawaab adag ka Bixiyey Hadallo uu Suldaaanka Guud ee Beesha Subeer Awal ka sheegay Wasiirka Laftiisa, kaas oo uu kaga dhawaaqay Munaasibaddii lagu shaacinayey Musharraxnimada Muuse Biixi Cabdi ee Beesha dhexdeeda lagaga reebay labada wasiir ee Kale.
“Suldaan Xassan waa nin walaalkay ah, waa nin saaxiibkay ah, waa nin inaadeer-kay ah, runtii, waa suldaankii guud ee reerka, suldaanimadiisa ayaan ku ixtiraamayaa, xilka qaran ee reerka uu u hayo ayaan ku ixtiraamayaa oo ku qadarinayaa, waxaan leeyahay saddexdayadaba, (Cabdicasiis Samaale, Maxamed Biixi, iyo Muuse Biixi) suldaan ayaad u tahay, oo waalid ayaad u tahay, kuuma qurux badana, ilamana fiicna, saddexdayada inaan mid raacdo.” Ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi, “Suldaan Xassan, saddexdayadaba kaad raacdo iyo kaad ka tagtaba waxa uu tirsanayaa xaqdarro, sababtoo ah halkii lagu tartamayey, laguna kala baxayey weli lama gaadhin, markaa ayuu waajibku yahay in ka kale la yidhaahdo isagaa soo baxay, oo kaga soo baxay tartankii musharaxnimada Golahii Dhexe, marka waxa laga hadlayo tahay musharaxnimada madaxtinimada, Madaxweyne Axmed Siilanyo dabadii, maalintaa inaad la sugto hadalkaaga, oo ka soo baxa mooyee ka kale aad ku tidhaahdo la shaqee, isagaa la doortee, oo go’aanka kama dambaysta ah ee Golahii Dhexe xisbiga KULMIYE ka soo baxay aqbal tidhaahdid.”Ayuu yidhi.
Wasiirka Maaliyadda Samaale ayaa sheegay inay kala duwan yihiin hawlaha dhaqanka iyo kuwa siyaasada, una qurux badnayd inuu dhexgalo Suldaan Xassan oo xaq-dhowr weyn ka mudan, waxaanu yidhi, “Suldaan Xasan, waa suldaankaygii waan ixtiraamayaa, laakiin hawsha siyaasadu, siyaasad weeye, laakiin maaha hawl la xidhiidha dhaqan. lama caleemo saarayo suldaan, lama caleema-saarayo caaqil, lama caleema-saarayo boqor.Ayuu yidhi Wasiir Samaale
Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa.
“Marka ay tahay siyaasi xaq leh, oo damac Madaxweyne leh, inuu xisbiga ka soo dhexbaxo ayaa waajib ah, in Golaha dhexe laga doorto ayaa waajib ah, Murashaxa madaxtinimada ee xisbiga KULMIYE doorashada soo socota waa Madaxweyne Siilanyo, Murashaxa xisbiga Madaxweyne Siilanyo dabadeedna waa ninka aqlabiyada Golaha Dhexe ee xisbiga hela, taana saddexdayada iyo inta kale ku soo biirtaba Suldaanku dhex buu u yahay inuu sugo runtii weeye,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Samaale.
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu sidaa ku sheegay xogwaran koooban oo uu siiyay Suxufi Madax banaan Maxamuud Walaaleeye.
Source:Hadhwanaagnews.com
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
