Uncategorized

Puntland Oo Soo Dhaweysay Wada-hadalladii Somaliland Iyo Somalia Djibouti Ugu Soo Dhamaaday

Garowe:Dec,22,2014(SDN/QJ)-Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa soo dhaweeyey Qoddobadii Kasoo Baxay wada-hadalladii Somalia iyo Somaliland ugu soo dhamaaday Magaalada Djibouti.

puntlandMadaxweynaha Puntland oo shalay kasoo laabtay safar uu Addis Ababa ku tegay, ayaa tilmaamay in wada Hadalladaasi mudan yihiin lasoo dhaweeyey marka loo eego Aragtida Maamulkiisa.

Dr Gaas ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhoweynayaan wada-hadaladda labada dhinac, isagoo xusay in laga yaabo kulamadaani inay soo dhoweyaan afkaartii kala gadisnaa ee labada dhinac, wuxuu sheegay in kulankani uu horseedi karo labada dhinac oo dib u midoobaan.

Geesta kale, Madaxweynaha Puntland ayaa mar uu ka hadlayay Raiisul wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali ayaa sheegay inuu u hambalyeynayo ayna tahay fursad muhim ah oo mar kale soo martay Cumar, wuxuu sheegay inuu yahay shaqsi u qalma qabashada jagadaasi.

Cabdiweli Cali Gaas yaaa ugu damayntii xusay in Maamulkiisu uu la shaqeyn doono Raiisul wasaaraha Magacaaban.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com