Hargaysa 22.Dec 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ee kaga qayb galay dalka Jabuuti wada hada hadallada dhex dalalka Somaliland iyo Soomaaliya,ayaa maanta dalka ku soo noqday.
Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu hoggaaminayay ayaa Lagu soo dhaweeyay Madaarkaa Haargeysa
“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay aniga iyo weftigaygu inaanu dalka ku soo nabad noqono” ayuu yidhi Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay Madaarka.
Madaxweynaha oo ka hadlaya wada hadalka uu la yeeshay Madaxweynaha Somalia waxa uu yidhi
“Waxaanu ku maqnayn Jabuuti oo aanu ka helay marti qaad aanu kula kulmaynay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekd Maxamuud iyo weftigiisa, anagoo ka wada hadlaynay danaha labada dal iyo wixii inaga dhexeeyay iyo wixii aynu isku khilaafsanayn, inagoo og inay yihiin dal aynu walaalo nahay oo aynu madax banaanideena kala noqonay oo haddana ay dunidu ay wada hadal inoo furtay oo aanu ka dhaadhicinaynaynay Qaddiyadda iyo madaxbanaanida Somaliland”.
