Biyo cadde:Dec,23,2014(SDN/QJ)-Xoogagga Al-shabaab eek a dagaallama Shabeelaha dhexe, ayaa dil toogasho ah ku fuliyey wiil dhallinyaro ah oo ku Noolaa Deegaanka Biyo cadde.
Al Shabaab, ayaa waxay ninkan ku eedeysay in uu ahaa askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Somaliya, isla-markaana ay Maxkamadoodu ku xukuntay xukun dil toogasho ah, markii uu qirtay in uu ka tirsan yahay Ciidanka Dowladda, sida ay Shabaabku sheegeen.
Qaadiga Maxkamada, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in ninkan gacanta lagu soo dhigay, xilli uu si qarsoodi leh ku yimid xaafadiisa oo ku dhow deegaanka Biyo Cadde, oo qiyaastii 25km u jirta Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Toogashadu waxay shalay galabtii ka dhacday deegaanka Biyo cadde, waxaana isugu soo baxay dad fara badan oo ka tirsan dadka deegaanka, xilli ay Shabaabku ugu yeedheen inay isugu soo baxaan fagaare ku yaala deegaankaasi.
Ninkan, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Daa’uud Maxamed Xasan, waxayna Shabaabku da’diisu ku sheegeen 36 sano jir, muddo saddex sano ahna uu ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Somaliya.
Ururka Al-shabaab, ayaa dilal kala duwan ku fuliya dadka ay uga Shakiyaan arrimo iyaga ka dhan ah, waxana dadka ay laayaan u badan yihiin inta Badan qaar dhallinyaro ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
