Hargeysa:Dec,23,2014(SDN/QJ)-Xildhibaan Bashiir Tukaale oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doorto Gobolka Gabiley, ayaa ka Hadlay Aragtidiisa ku aadan Qoddobadii kasoo baxay Heshiiskii lagu soo gabegebeeyey Magaalada Djibouti.
Xildhibaan Bashiir oo u warramayey Warbaahinta, ayaa sheegay inaanu wax muhiim ah u arkin maxsuulka shirkaas, waxana uu su’aal geliyey Tirada Qoddobada lagu heshiiyo oo inta Badan Lix laga dhigo,
“Anigu waxan La Yaabahanahay waxan lixda Qodob ee isku midka ahi mar walba ay usoo baxayaa. Lixda maa Toddobada laga dhiga markaasay malaha fiicnaan lahayde oo maxaa Number-ka lixda inoo qabtay.”ayuu yidhi Xild. Bashiir.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland Gudaheeda uu tafaraaruq badani ka jiro, isla-markaana loo baahan yahay in dib loo mideeyo kahor intii aanay shirar ay cid kale kula Hadlayso ka Qayb gelin, waxana uu yidhi,
“Maalintii Madaxweyne Rayaale Dalka ku wareejinayey Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu u sheegay inuu ku wareejinayo dal mid ah oo dadkiisu midaysan yihiin, Maantase waxa la arkaa in dalkii uu magaalada Hargeysa kusoo ururay. Markaa iyada midnimo ma taallo oo halkaas dalkii waxa ku yimki xaalad aad u adag oo aanu abid soo marin somaliland intii ay jirtey, wada-hadalladana wax aka muhiimsan sidii dalka la iskugu keeni lahaa.”
Mudane Bashiir Tukaale, waxa uu sidoo kale sheegay In Dalka Djibouti aanu marnaba dhex ka noqon Karin arrimaha Somaliland, sidaa darteedna aanay Haboonayn in lagu soo daro wada-hadallada, waxana uu yidhi,
“Djibouti arrimaheena Dhex marnaba kama noqon karto oo waynu ognahay oo waxa loo dan lahaa Fursad ay Djibouti kusoo geli lahayd.”
SDN/QJ
