Hargeysa:Jan,15,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa ugu dambayntii cafis madaxeyne u fidiyey laba xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Borama oo muddo bilo ah ku xidhnaa Xabsiga Mandhera, kuwaas oo ku eedaysnaa inay rabshado ammaandarro ah ka abaabuleen Borama.
Madaxweynaha ayaa cafiskan fidiyey kadib markii uu shalay shir ballaadhan oo saacado qaatay la yeeshay Odayaal iyo waxgarad kasoo jeedaa Deegaanka Awdal, kuwaas oo madaxweynaha ku cadaadiye in xildhibaanada Xasaanadda leh lagu ilaaway Xabsiga.
Digreeto uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Qurbejoog.com, ayaa waxa lagu sheegay in codsiyo lagu dalbanayay in xorriyadooda loogu soo celiyo labadaasi xildhibaan.
Waxaanay Digreetadaasi u dhignayd sidan
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-2911/012015, uu cafis ugu fidiyey laba xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.
Madaxweynuhu:- Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta Guud;
Markuu Tixgeliyey:Codsiga Cafiska ah ee Xildhibaanada halkan ku lifaaqan.
Wuxuu Go’aamiyey In uu cafis gaar ahaaneed u fidiyo maxaabiista Xildhibaan Xasan Muxumed Cumar iyo iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed Liibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.
Madaxweynaha Somaliland ayaa lagu wadaa in uu dhawaanahan socdaaal ugu baxo Borama oo xaalad kacsanaan ahi ka jirto, waxana Cafiskan looga gol lahaa in shacabka Reer Borama ay iska saaraan Caaddifad uu dhawaan Suldaan Wabar geliyey.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
