Lamu:Jan,15,2015(SDN/QJ)-kooxda Al-shabaab, ayaa mar kale maalintii shalay weerar ku qaadday Gudaha Dalka Kenya, waxana ay is haleeleen Ciidanka Militeriga goobo ku yaaalla gobolka Xeebta ee Lamu.
Ciidamada Kenya, oo ka tirsan Hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku socday waqooyiga meel ku dhow soohdinta Soomaaliya markii la weeraray, sida ay Kenya Ciidankeedu sheegeen, waxana Halkaas ka dhacay khasaare nafeed oo u badan kooxdii weerarka qaadday.
“Rasaas ayaa la is weeydaarsaday waxaana la dilay shan lagu tuhmay inay yihiin xagjiriinta al-Shabaab,” ayuu afhayeenka Ciidanka difaaca ee Kenya, David Obonyo ku sheegay qoraal, isagoo raaciyay in hal askari oo Kenyan ah la dilay saddexna laga dhaawacay.
Wuxuu intaas ku daray in Alshabaab ay dhaawacyo badan la carareen, waxaana durbadiiba la bilaabay hawlgal lagu eryaday hadhaagoodii sida uu hadalkiis u dhigay.
Ma aha Markii koowaad oo dagaal Fool ka fool ah gudaha dalka Kenya uu ku dhex maro Dagaal yahano ka tirsan Ururka Alshabaab & Ciidamadda difaaca dalka Kenya, waxana inta badan caado noqotay in shabaabku weerarro ka fuliyaan Gudaha Kenya.
Ururka Al-shabaab, ayaa iyagu wali wax jawaab ah kasoo saarin sheegashada Kenya, waxana la filayaa inay saacadaha soo socda ka Hadlaaan Weerarkan la sheegayo in dagaal yahannadoodu fuliyeen.
SDN/QJ
