Buuhoodle 16.Jan 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax oo ay Weheliyaan Wasiirka Hawlaha Guud Md.C.risaaq Khaliif Axmed iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Cabdiwaaxid C.qaadir C.raxmaan oo ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa ka dareeray Madal dhaqan oo lagu Caleemo saarayay Garaadka Guud ee Beesha Deegaanka Buuhoodle Garaad C.risaaq Garaad Soofe Duraan oo Shalay lagu qabtay duleedka Buuhoodle.
Go’aanka Mas’uuliyiintan ayay ku sheegeen Mid ka dhashay Kadib markii la Siyaasadeeyay Madashii dhaqan laguna xardhay Calanka Somalia,in kasta oo ay Madashaasi Kulmisay Siyaasiyiin kala fikir duwan oo kala raacsan Somaliland, Punt land, Kooxda Khaatumo iyo Dawlada federaalka ah ee Somalia ayaa waxay Gudida qaban qaabinaysay daadifeeyeen in Goobta xafladu ka socotay haba yaraatee in aan lagu arag astaan muujinaysa Cid gaar ah oo ay u sad buriyeen iyagoo intaas raaciyay in lagu Koobnaaday arrinta dhaqan ee la isugu yimid.
Dhanka Kale Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed ( Xaglo Toosiye) oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Magaalada Buuhoodle ayaa qaatay Mawqif ka duwan ka Mas’uuliyiintii ku wehelinaysay Safarkan Waxaanu ku nagaaday Madashii Shirka isagoo is tusay in hadii uu Goobtaas dibada uga baxo uu Fursad Siiyay dhinacyada ka soo Horjeeda ee Punt land iyo Khaatumo Waxaanu Cod dheer ku sheegay in aanay aqbali doonin Somaliland Hadii Hawlo Siyaasadeed loo dhalan rogo Madasha dhaqan.
Geesta kale Goob jooge ku Sugnaa Halka Caleemo saarku ka dhacayay ayaa Qurbejoog.com u Xaqiijiyay in ka bixitaanka Xubnaha kale uu Salka ku hayay kadib markii loo diiwaangeliyay inuu ergada Somaliland u hadlo Wasiirka Caafimaadka Dr Xaglo toosiye,Taasina ay dhalisay in Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax iyo Xubnaha la socday ay dibada uga baxaan Shirka iyadoo warku intaas ku darayo In Gudoomiye ku Xigeenku uu rabay in Isaga lagu qoro Qofka u hadlaya Ergada Somaliland.
Buuhoodle SDN/QJ
