Uncategorized

“iyaga oo ah Xildhibaano Ay soo doorteen Shacabku Maxkamadina Aanay Danbi ku soo oogin,Cafiska uu madaxwaynahu u fidiyay waxaan u arkaa” Murashaxa Madaxweyne Xigeen ee Ucid

Hargaysa 16.Jan 2015 (SDN/QJ)- Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa ka hadlay laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha deegaanka Boorama oo Madaxweyne Siilaanyo cafis u fidiyay.

xasan mataanCabdirashiid Xasan Mataan oo  warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargesa, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Wax kasta Oo Ka dhacaya Gobolka Awdal waxaanu U Argnaa in Xukuumadu Dabada ka wado Xaalad Abuurna Tahay Xukuumadu oo lagaga Hortago Hanaanka Dimuq-raadiga ah iyo Xiliga Doorashooyinka oo wakhtigoodu Dhaw yahay,Wax kasta Oo Gobolka Ka socdaana waa Xaalad Abuur Xukuumadu ka wado iyo wasiirada Gobolka Kasoo Jeeda Qaarkood.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay Mudo Kordhin Lasheegay in Loo Samaynayo Xukuumada Uu Hogaaminayo Madaxwaynaha Somaliland iyo Dareenkooda ku aadan ka xisbi Ucid Ahaan waxaana uu yidhi.

 

“Wax kasta waa la sheegaa Lakiin Adeer wixii Xaqiiqo Ah ayuunbaa Laga jawaabaa,Lakiin inaanu Aragno Warqadaas la sheegay Inuu Komiishanku Qoray ee saddexda cisha la hadal hayay Ayuunbaa Sugaynaa,wax jirana Uma Haysto waanu wada joognay Talooyin ayaanu wadaagnay,Wax kasta oo la sheegaana Sidooda uma Jiraan waana in La hubiyaa,Markaanu Aragnana Ayuunbay Fiican tahay Jawaabteeduna.

Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu ka jawaab Siidaynta uu Madaxwaynaha Somaliland Cafiska u Fidiyay Xildhibaanadii In Mudaha ku xidhnaa Xabsiga Mandheera waxaana uu ku sifeeyay inuu Madaxwaynaha Somaliland Ku War Helay Bookhadii Xisbiga Ucid

“Marka Hore Qof Aan Danbi Lahayn in La Cafiyaa Meesha Mataal,Nimankani Xildhibaano ayay Ahaayeen Xasaanad Ayay Leeyihiin,Sida loo xidhay Qaabka Loo Xidhay iyo Godkii Lalal Tagayba Intuba waa danbi Waan Gaf Laga Galay Sharciga u leeyahay Dalkani,Qof isagii Lagu Gafay in Lagu yidhaa waa Lagu Cafiyay Meesha Mataal.

 

waxa uu ka shekeeyay Xadhiga Xildhibaanada Oo Uu sheegay in ay Xidhnayeen 43cisho Kuna Xidhnayeen Boorama Uma Baahna Ciidan ee waxa ay u baahan tahay Cadaalada waxaana uu yidhi.

“iyaga oo ah Xildhibaano Ay soo doorteen Shacabku Maxkamadina Aanay Danbi ku soo oogin,Cafiska uu madaxwaynahu u fidiyay waxaan u arkaa inaanu ogayn Xadhiga Xildhibaanada ee uu Ku War Helay Bookhashadii Xisbiga Ucid.”