Verviers:Jan,16,2015(SDN/QJ)-Wararka laga helayo dalka Belgium-ka, ayaa sheegay in laba nin ay ku dhinteen kadib ciidanka Boolisku weerar ku qaadeen aqal ku yaalla Bariga dalkaasi oo lagu sheegay Koox Argagixiso ah oo Hubaysan.
Saraakiisha deegaanka ayaa sheegaya in howl galka uu ka dhacay magaalo lagu magacaabo Verviers, iyadoo la soo warinayo in qof saddexaad uu ku dhaawacmay howl galka.
Telefishinka Belgium ayaa sheegaya in ciidamada gaarka ah ay wadaan howl galka, waxaana jirta in xubno lala xidhiidhinayo Kooxo Islaamiyiin ah lagu qaaday howl galka.
Ilo wareedyo ku dhow xafiiska duqa magaalada ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in howl galka uu ka dhacay, isla markaana howl galka kuwa lagu qaaday lala xidhiidhiyay kooxo Jihaad doon ah.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in la maqlayay qadaro daqiiqado ah rasaas xoogan iyo ilaa saddex qarax, waxaana uu gubanayay qeyb ka mid ah dhismaha uu howl galka ka socday.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ay raggan la xidhiidhinayaan inay weerar qaadaan, waxaana looga shakisan yahay inay ka soo laabteen dalka Suuriya.
Warar lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo Booliska ah lagu soo daadiyay badhtamaha magaalada, iyadoo gawaadhida booliska lagu arkayo wadooyinka.
Magaalada Verviers ayaa waxay ka tirsan tahay Gobolka Liege, waxaana ku nool dad fara badan oo gaadhaya 56-kun.
SDN/QJ
