Uncategorized

Xasan Sheekh Iyo Ra’isal Wasaare Sharma’arke Oo Farriin Aanay Ku Farxin ka Helay Dalka Maraykanka

Muqdisho:Jan,16,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Xasan sheikh oo wali dhex dabaalanaysa Muran siyaasadeedkii Galaaftay Ra’isal waraasihii hore, ayaa waxa farriin arrintaas lagaga digayo soo gaadhsiiyey Wafti ka socda dalka Maraykanka oo maalmahan kulan aqalka  madaxtooyada kula lahaa Madaxweyne Xasan sheikh.

rogWaftigan oo aan magacyadooda iyo xilalkooda la shaacin, ayaa shirka ay xasan Sheekh la yeesheen sidoo kale kula kulmay Ra’isal wasaaraha Cusub,  waxana lagu lafo guray Xukuumadda cusub ee lasoo dhisay iyo Baaqa lagu diiddan yahay ee kasoo yeedhay Golaha Barlamaanka iyo sidii loo xallin lahaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in wafdiga Mareykanka ah uu madaxweyne Xassan iyo ra’isul wasaarahaba u caddeeyay mowqifka USA eek u aadan xaaladda jirta, waxaana si gaar ah mowqifkaas loogu muujiyay in dowladda Mareykanku ay ka walaacsantahay khilaafka siyaasadeed ee dib usoo cusboonaaday markii lagasoo gudbiya khilaafkii hore ee ay xukuumaddii Cabdiwali ku dhacday.

Wafdiga Mareykanka ah ayaa si cad ugu sheegay madaxweynaha inuu ka fiirsado wasiiradii xukuumaddii hore khilaafka ka dhex dhaliyay in hadana mar kale lagusoo daro xukuumadda.

Lama sheegin jawaabta ay madaxda Soomaalidu ka bixiyeen arrintan, waxayse tani imanaysaa xilli ay Xildhibaanada Baarlamanku intooda badan isku uruursanayaan sidii ay kalsoonida ugu diidi lahaayen xukuumadda la dhisay oo ay si gaar ah ugu dhaliilayaan inay xubno ka yihiin wasiiradii ku jiray xukuumaddii dhacday ee wax-qabad la’aanta loo riday.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com