Uncategorized

Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland Oo Cisbitaallo Ka Dhagax Dhigay Buuhoodle Iyo Somaliland Oo Daawanaysa

Buhodle:Jan,17,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne-ku-xigeenka Maamul-goboleedka Puntland, ayaa shalay dhagax dhigay Goobo badan oo uu sheegay inuu ka dhisi doono Cisbitaallo, waddooyin iyo kastamo cashuureed  oo maamulkiisu ka hirgelin doonaan Gudaha Buuhoodle, xilli ay halkaas ku sugan yihiin Wafti reer Somaliland ah oo aan iyagu wax tallaabo ah wali qaadin.

daaworBuuhoodle oo kamid ah Ciidda Somalilnad, ayaa wali ka maqan gacanta Ciidanka Qaranka, waxana dhaqdhaqaaqyo ka wada Maamulka Puntland oo haatanba goobo ay dhisayaan dhagax dhigay.

Madaxweyne Kuxigeenka Waxa Uu Sidoo kale Dhagax dhigay wadada Kugu dheer magaalada Buuhodle Oo la saarayo Dhul laami Ah,Oo Puntland ka Dhisayso,Iyo Cisbitaal Loogu Magac Daray Marxuumad Saada Cali Warsame oo Ay Puntland Maal Gelineyso,Waxaa Kaloo Dr.Cameey Dhagax Dhigay, Kastam Cusub oo u Dhexeeya Ethopia Iyo Buuhoodle kharajkiisana Ay Bixineyso Puntland.

Sidoo kale waxa Uu dhagax dhigay xarunta Dhalanka Iyo Hoyooyinka Ee magaalada Buuhodle Oo Puntland Dhismaheeda ka wado magaalada Buuhoodle.

Waftigii somaliland ee halkaas ku sugnaa, ayaa waxa qaarkood soo baxeen maalin  hore iyagoo aan xataa wax hadal ah ka odhan Madashii Caleemosaarka Garaadka Deegaankaas, waxana ku hadhsan oo kaliy xubno koban oo wasiir Xaglo-tosiye wato, kuwaas oo aan ilaa iyo hadda wax tallaabo ah oo ay shacabkaas kusoo jiidanayaan aan qaadin.

Shacabka Reer Buuhoodle, ayaa badiga ka arradan Adeegyada Bulshada ee aasaasiga ah, waxana baahidaas ka faa’iidaysanaya Maamulka Puntland oo haatan dhaga dhigay Goobo badan oo ay ku sheegeen inay dhisi dooonaan.

Wasiir Xaglo-toosiye oo inbaan xukkuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka Hayey xil wasiirnimo, ayaan wali ku guulaysan inuu soo xerogeliyo reer Buuhoodle, isagoo sidoo kale ku guuldarraystay inuu wax ka qabto deegaankaas oo dibudhac badani ka muuqdo.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com