Uncategorized

Kenya:Wargeys Nebi Muxamed N.N.K.H. Aflegaadeeyey Oo La Filayo In Albaabada Loo Laabo

Nairobi:Jan,17,2015(SDN/QJ)-Wargeys lagu magacaabo Star oo kasoo baxa Gudaha dalka Kenya, ayaa la filayaa in dhawaanahan albaabada la iskugu dhufto kadib markii uu sawirro aflegaaddo ah ka baahiyey Nebi Muxamed N.N.K.H.

the stTallaabada Albaabada loogu xidhayo Wargeyskan, ayaa waxa la filayaa inay qaadi doonaan Gollaha Sare ee Warbaahinta Dalka Kenya, kuwaas oo ku dhawaaqay inay ciqaabi doonaan Wargeyskaas xadgudubka sameeyey.

War-saxaafadeed kasoo baxay maanta Gollahaas oo loo soo gaabiyo Media Council of Kenya (MCK) ayaa lagu sheegay iney dib u fiirin ku sameyn doonaan kala noqoshada Siinta waraaqaha Ogolaanshaha Suxufiyiinta iyo Ogsoonaanta nidaamka Shirkadaha Warbaahinta.

Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa Iyo Warbixinta dadweynaha ee gollahaas Grace Munjuri war-saxaafadeed ay ku saxiixnayd ayaa kagu sheegay in Wargeyska aanu cadeyn sawiro iyo warbixino  xigashada halka uu ka keeno.

Gollaha Warbaahinta dalka Kenya ayaa u yeedhay Maamulka sare ee Radio Afrika Goroup oo u hoostago Wargeyska the Star si ay u sharaxaan dhaqan xumida Suxufiyiinta ka shaqeeya Wargeyskooda.

Agaasimaha Maareynta Wargeyska the Star William Pike ayaa isna sheegay mar uu warbaahinta la hadlay in wargeyskoodu ku shaqeeyo hannaan wanaagsan.

Gollaha sare ee warbaahinta dalka Kenya MCK ayaa bixiya aqoonsiga warbaahinta iyo Weriyaasha ka shaqeynaya dalka Kenya,waxaana kala noqoshada aqoonsiga Golluhu u dhigmaa xidhitaanka Hay’adaas.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com