Hargaysa 17.Jan 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey oo weli ku gudo jira socdaalkoodii gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa saaka xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Magaalada Balligubadle isagoo sidoo kalena si diiran loogu soo dhaweeyay Deegaamo door ah oo ka tirsan Gobolada Hawd,Maroodijeex iyo Daad Madheedh.
Madaxweynuhu waxa uu si rasmi ah u furay labo dhisme oo ay kala leeyihiin wasaaradda waxbarashada ee gobolkaasi iyo guriga martida ee magaalada balligubadle, kuwaasoo dhowaan laga hirgeliyey halkaasi, dhanka kalena madaxweynuhu waxa uu dhagax dhigay qaybo cusub oo lagu kordhinayo dhismaha xarunta Gobolka Hawd.
Weftiga Madaxweynuhu intii ay ku sugnaayeen Magaalada Balligubadle oo ay habeenkii xalay u hoydeen waxay kulamo la yeesheen Madaxda heer gobol iyo heer Degmo, waxana ay warbixino ka dhegaysteen odayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada rayidka ah ee Gobolkaasi oo si weyn u soo dhoweeyey weftiga.
Duhurnimadan maanta Madaxweynaha JSL waxa uu gaadhay Degmada Sallaxley, halkaasi ay kala kulmeen soo dhoweyn balaadhan oo aanay u kala hadhin qaybaha bulshada ee degmadaasi.
Socdaalka Madaxweynaha JSL oo galay maalintiisii sadexaad ee xidhiidh ah ayaa Maanta Kormeer ku maray Deegaamada Hoos yimada Degmada Salaxley,Sabo Wanaag,Daba Goryaale iyo Jiido kale Waxaana Madaxweynaha iyo Weftigiisa loogu qaabilay si diiran .
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Xubno ka Tirsan Golaha Wasiiradda ayaa dadweynaha deegamadaasi uga mahadceliyay Sida ay u soo dhaweeyeen .
Madaxweynaha ayaa Goor dhow la filayaa inuu Gaadho Degmada Oodweyne ee Xarunta Gobolka Daad Madheedh.
Hargaysa SDN/QJ
