Jiddah:Jan,18,2015(SDN/QJ)-Dalka Sucuudiga, ayaa shaaciyey inay dhawaan bilaabi doonaan Dhismaha Gidaar ama derbi dheer oo laga hirgelin doono Xuduudda dalkaasi la leeyahay Dalalka Urdun, Ciraaq iyo Kuwait, si looga hortago Weerarro kaga yimaadda Kooxda ISIS oo dhawaaan dilay Ciidamo Sucuudiyaan ah.
Sida Sucuudigu sheegay Gidaarkan ayaa ahaan doono mid casri ah oo si weyn casri u ah, kaas oo loogu talo galay in wax lagaga qabto khatar kasta oo dalka sucuudiga kaga iman karta Midntidiinta ka jirta dalalka jaarka la ah iyo waliba Tahriibayaasha dalkaasi sharcidarrada ku yimaadda.
Waxa uu Darbigan yeelandoonaa illaa iyo 78 taawar oo wax laga ilaaliyo, 8-xarumood oo baro talis ah,10 xarumood oo gaadiidka la socoshada dhaqdhaqaaqa xadka ah iyo 32 xarumood oo kooxo si deg-deg ah u falceliya ay ku sugan yihiin iyo weliba 3 xarumood oo la geynayo kooxo si deg-deg ah farogelin u sameyn kara.
Ururka IS ayaa u arka boqortoyada Sacudi Carabiya in xidhiidh gaar ah ay la leedahay reer Galbeedka ayna dayacday Islaamka. Ciidamada Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa ku biirey isbahaysiga uu hogaamiyo Maraykanka kuwaasoo weeraro xagga cirka ah ku qaada ururka IS xarumaha uu ku leeyahay Syria.
Waxaa laga yaabaa in ururka IS ujeedadiisu ugu weyn ay tahay in ay qabsadaan magaalooyinka barakaysan ee Makka iyo Madina, waxana ay taasi keentay inuu sucuudigu cabsi badan ka qaado Kooxdaas awoodda Badan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
