Uncategorized

Wadaad Caan ahaa Oo Sirdoonka Ruushku ku Toogteen Gudaha Dalka Turkiga

Stanbul:18,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Sirdoonka Ruushka, ayaa toogasho ku dilay Gudaha Magaalada Stanbul sida ay shaaciyeen  ciidamada Booliska Dalka Turkigu.

khrCiidanka Ammaanka Turkiga ayaa baahiyey Muuqaal lagu duubay Camerada loo yaqaanno CCTV oo muujinaya dilka wadaadkaas oo magaciisa lagu sheegay istambul Imam Abdullah Bukhaari oo u dhashay dalka Uzbekistan.

Gacan ku dhiiglaha toogtay imaamka ayaa beegsaday isagoo galaya machad casharo diini ah uu ka bixin jiray, waxana uu rasaasta la helay daqiiqado ka hor intii aanu halkaas gelin.

Dilka imaamka ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen sirdoonka ruushka oo in mudo ah beegsanayay kuwaasoo ku hayay hanjabaado iyo caga jugleyn joogta ah taasoo ku qasabtay inuu kasoo haajiro dalkiisa Uzbekistan.

Allaha u naxariistee imaamka ayaa ahaa 38 jir si weyn looga yaqaanay dalkiisa iyo dalka turkiga isagoo gudbinjiray casharada diiniga ah.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com