Baydhabo:Jan,18,2015(SDN/QJ)-Magaalada Baydhabo ee Caasimadda Gobolka Baay, waxa xalay fiidkii hore lagu dilay Wadaad caan ahaa imam ka ahaa midka mid ah masaajidada Magaaladaas, waxana dilkaas fuliyey koox Hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan.
Wadaadka la dilay oo lagu magacaabi jirey Sheekh Shariif Sayid Cali, ayaa la sheegayaa in laba nin oo hubaysan ay rasaas oodda kaga qaadeen, isla-markaana uu halkaas ku geeriyooday, waxana la filayaa in maanta lagu aasi doono magaalada Baydhabo.
Dilka ka dib waxaa goobta ka baxsaday ragii falkaasi ka dambeeyay, waxaana socda howlgal ay wadaan ciidamada Booliiska oo lagu baadi goobayo dadkii falkaasi ka dambeeyay.
Ma jirto ilaa iyo hadda cid loo soo xidhay weerarka xalay lagu dilay Sheekha, waxase la sheegayaa in falkani yahay astaamihii kooxaha Al-shabaab dilalka qorshaysan u fulin jireen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
