Uncategorized

Dadweyne Cadhaysan Oo Dab Qabadsiiyey Kiniisado Ku Yaalla Dalka Niger

Niamey:Jan,18,2015(SDN/QJ)-Shacab ka gadoodsan Sawirro lagu aflegaadaynayo Nebi Muxamed N.N.K.H. ayaa dab qabadsiiyey ugu yaraan Toban kiniisadood oo dalalka reer galbeedku ku lahaayeen dalka Niger ee qaaradda Afrika.

ebaKartoonkani ayaa waxa uu aad uga cadheysiiyay dhamaan Muslimiinta Caalamka, waana tan sababtay in inta badan Wadamada caalamka laga dhigo banaanbaxyo lagu diidaayo Aflagaadada NNKH, iyadoo dalka Niger ay wali ka socdaan rabshdaha lagu diidan yahay wargeyska kasoo baxa dalka faransiiska ee Charlie Hebdo.

Sidoo kale waxay weerareen xarun dhaqameed uu Faransiisku ku lee yahay Magaalada Zinder, waxana arrintani cabsi gelisay dhammaanba xubnaha reer Galbeedka ah eek u sugan dalalka islaamka ah.

Dadka deegaanka, ayaa Warbaahinta u sheegay in dhalinyarada ay dab qabadsiiyeen Kaniisadaha, ka hor intii boob aanay   boobin wixii halkaas ku suganaa, waxana ciidamada ammaanku ay wadaan tallaabooyin ay kula tacaalayaan isku dayada la doonayo in lagu dejiyo da’yarta muslimiinta ah.

Waxaa xusid mudan in waxyaabaha ay shacabkaasi gubeen ay kamid ahaayen Gaadiidka nooca loo yaqaan Cabdi-bilaha oo ay laheyd Dowlada Niger.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com