Hargaysa 18.Jan 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey oo weli ku gudo jira socdaalkoodii gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa saaka xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Magaalada Balligubadle.
Madaxweynuhu waxa uu si rasmi ah u furay labo dhisme oo ay kala leeyihiin wasaaradda waxbarashada ee gobolkaasi iyo guriga martida ee magaalada balligubadle, kuwaasoo dhowaan laga hirgeliyey halkaasi, dhanka kalena madaxweynuhu waxa uu dhagax dhigay qaybo cusub oo lagu kordhinayo dhismaha xarunta Gobolka Hawd.
Weftiga Madaxweynuhu intii ay ku sugnaayeen Magaalada Balligubadle oo ay habeenkii xalay u hoydeen waxay kulamo la yeesheen Madaxda heer gobol iyo heer Degmo, waxana ay warbixino ka dhegaysteen odayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada rayidka ah ee Gobolkaasi oo si weyn u soo dhoweeyey weftiga.
Waxaa kale oo Madaxweynuhu Kormeer ku maray Deegaamada Sallaxley,Sabo Wanaag,Daba Gorayaale,Xaaji Saalax.
https://www.youtube.com/watch?v=wj2UnagH-1I
