Hargaysa 18.Jan 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti ka socda dalka Turkiga oo Socdaal ku Jooga Somaliland.
Wasiirka Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa ka hadlay in Weftigan ay ka wada Xaajoodeen dhinacyo badan oo dawlada Turkigu ay rabto inay Somaliland ka Gacan siiso.
