Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo oo Xalay u Hoyday Tuuladii uu Ku dhashay ee Dharyaley iyo Baahiyo Tiro badan oo loo qadimay

Dharyaley 19.Jan 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Weftigii uu Hogaaminayay oo Maalintii Shanaad  Ku Guda Jira Kormeer uu ku marayo Gobolada iyo Degmooyinka dalka ayaa Galabta maray Socdaal ku maray Deegaanada Biyo Xidho,Degmada Cali Ciise,Bilcinle,iyo Dhoqoshay ,Dhagax dheer iyo Dharyaley oo ah Tuulada uu ku dhashay Madaxweynuhu halkaas oo ay xalay u hoydeen.

DSC_0117Maamulada,Waxgaradka iyo qaybaha bulshada ayaa Weftiga Madaxweynaha Si Diiran ugu soo dhaweeyay deegaamada ay Socdaalka ku mareen isla markaaana warbixin ka siiyay Xaaladaha Nabadgalyo iyo Nololeed ee Jiidaha kalla duwan ee Deegaamadaasi hoos taga waxaa kale oo ay Weftiga Madaxweynaha u bandhigeen baahiyaha ay rabaan in Xukuumadu ka gacan siiso.

Weftiga Madaxweynuhu Waxay Meel fagaare ah kala hadleen Bulshada ku dhaqan Degmada Dhoqoshay ee Gobolka Togdheer .

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade oo hadal dheer oo dhinacyo badan leh halkaas ka jeediyay ayaa sheegay in degmada dhoqoshay ay baal dahab ah kaga suntan tahay Sidii ay gacanta ugu dhigeen Kooxdii argagixiso ee falka jariimada ah  dalka ka fuliyay Sannadkii 2003kii.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa ugu horayn waxa uu ku amaanay Degmada Dhoqoshay sida balaadhan ee ay isaga iyo weftigiisa u soo dhaweeyeen.

 

Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu Balanqaaday inay Wax ka qaban doonaan baahiyaha tirade badan ee ay bulshada deegaankaasi u soo qadimeen isagoo xusay in Waajibaadka Saaran ay ka mid tahay u kuurgalka xaaladaha ay ku sugan yihiin ummada uu Mas’uulka ka yahay.

 

Geesta kale Madaxweynaha iyo Weftigiisu Waxay Habeenkii Xalay Gaadheen Tuulada dharyaley oo ah Bogcadii uu ku dhashay kadib markii ay Waxgaradkaa Tuuladaas u direen baaq ay ugu sheegeen in Dhalashada madaxweynuhu aanay seejin inuu soo eego bulshada ku dhaqan deegaankaasi sida ay tahay.

Dharyaley SDN/QJ