Uncategorized

Qarax Aan Hore Loo Arag Oo Laga Fuliyey Gudaha Muqdisho Iyo Muran Ka Taagan Sida uu u Dhacay

Muqdisho:Jan,19,2015(SDN/QJ)-Degmada Dharkaynley ee Magaalada Muqdisho waxa maqribkii ka dhacay Qarax noociisu ku cusubyahay, kaas oo loo adeegsaday Gaadiidka Loo yaqaanno Bajaajta.

bajoQaraxan oo si kedis ah ku dhacay ayaa waxa ku dhintay Laba qof oo la sheegay  inay saarnaayeen Mootada ama Bajaajta, waxana muran ka taagan yahay Hannaanka qaraxaasi dhacay oo wali aan la isku raacsanayn.

Saraakiil xukuumadda ka tirsan ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ahaa mid labada qof ee dhintay ay siteen, isla-markaana ay doonayeen inay qaraxaas meel gaar ah ka fuliyeen, balse arrintaas wali wax caddayn ah looma hayo.

Waddooyinka waaweyn ee xaafadaha degmada Dharkeynley ayaa xalay la dhigay ciidamo fara badan, kuwaasi oo iyagu baadhaya dadka iyo gaadiidka, iyagoona howlgaladooda ku tilmaamay in lagu xoojinayo amniga degmadaasi loogana hortegayo cid kasta oo carqaladeyneysa degenaanshiyaha iyo ammaanka degmada Dharkeenley.

Waa markii ugu horraysay ee Qarax loo adeegsado Mootadu uu ka dhaco magaalada Muqdisho, waxana haatan soo kordhaya Cabsida laga qabo Gaadiidka Mootada Bajaajta oo si xawli ah Muqdisho  ugu soo badanaya.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com