Uncategorized

Shabaabka Oo Kaaalinta 2-aad Ka Galay Liiska Kooxaha Weerarrada Ka Fuliya Caalamka

Washington:Jan,19,2015(SDN/QJ)-Ururka Al-shabaab oo waayadan dambe magacoodu kor usii socday, ayaa warbixin cusub oo lasoo saaray lagu sheegay inay Kaalinta labaad ka galeen Kooxaha Dunida ka fuliya weerarrada Qorshaysan ee lagu badhtilmaameedsado Cidda ay sida gaarka ah u rabaan.

cameoWarbixntan oo ay soo saartay xarunta intel Center, ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda la magac baxday Dowladda ISlaamiga ah ee Suuriya iyo Ciraaq ka dagaallanataa ay kaalinta koowaad ka galeen ururadda ugu khatarta badnaa dunida bishii la soo dhaafay, halka dhaqdhaqaaqa Al-shaabaab oo isna ka dagaallama Soomaaliya, iyo Kenya horayna qaraxyo uga fuliyay waddanka Uganda uu kaalinta labaad galay.

Boko Xaraam oo Najeria ka dagaallanta xidhiidhna la leh urur weynaha Al-qaacida, ayaa la sheegayaa inay kaalinta saddexaad galeen.

Intel Center oo ah xarun gaar looleeyahay oo ka faalloota arrimaha argagixisada, oo xogta ka hesha xarunta dhexe ee wardoonka  mareykanka ee CIA,da ayaa waxa ay xogtooda ku saleysan tahay, weeraradda ay kooxahan fuliyeen bishii la soo dhaafay.

Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa lagu qiyaasay in ay %17.5 ay ka matalaan weeraradii argagixisada ee dhacay 30-kii maalmood ee la soo dhaafay. Halka %20.7 ay kooxda Daacish matasho. Boko Xaraam ayaa 9.5% kaalinta saddexaad ku gashay.

Kooxaha Daalibaan, Ansaari Shariica, Jabhatu-AlNusra, Alqaaciddada Jasiiradda Carabta, Daalibaan Pakistan,  ayaa dhammaan soo wada galay tobanka koox ee ugu khattarta badnaa ee sodonkii maalmood ee la soo dhaafay.

In kasta oo ay hoos u dhaceen weerarada ay Al-shabaab ka geystaa magaalada Muqdisho kadib markii ay dagaalyahannada Alshabaab ay ka baxeen dhammaadkii 2011, haddana wali waxaa jira weeraro joogta ah oo ay ka fuliyaan magaalooyinka iyo xeryaha ciidamada ay gobollada koofurta iyo badhtamaha ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com