Uncategorized

Sarkaal Xisbullah Ka Tirsan Oo Yuhuuddu Duqayn Ku Dishay

Quneitra:Jan,19,2015(SDN/QJ)-Wararka laga helayo dalka Suuriya, ayaa sheegaya in shan xubnood oo katirsanaa Ururka Xisbullah lagu laayey Duqaymo israa’il ka fulisay Buuralyada Golan Heigts.

triCiidamada Israel kama aanay hadlin weerarka, balse wararka ayaa sheegaya in diyaarad nooca helicopter-ka ah oo Israel ay leedahay  ay laba gantaal ku riday Quneitra, oo u dhow xadka kala qeybiya dhinaca Syria iyo Israel.

Webste-ka Israel ee Ynet ayaa ka soo xigtay militariga Israel oo sheegay in weerarka lagu badhtilmaameedsaday “Argagixiso doonayay inay weeraraan Israel”

Wararka laga helay dhinaca Lebanon waxay sheegayaan in weerarka Israel lagu beegsaday laba baabuur ay leeyihiin ururka Xisbullah.

Sarkaalka Xisbullah ka tirsan ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Mohammad Issa, wuxuna Xisbullah u qaabilsanaa howlgalada Ciraaq iyo Syria.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com