Uncategorized

Magacyada Laba Wasiir Oo Xasan Sheekh Ra’isal Wasaarihiisa Ku Cadaaday Inuu Dib Usoo Celiyo

Muqdisho:Jan,19,2015(SDN/QJ)-Wararka laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Ra’isal wasaarihiissa ku cadaadiyey inuu Golihiisa wasiirrada Cusub kusoo daro laba xubnood oo ay saaxiib dhaw yihiin.

hgrMadxaweynaha ayaa ogolaaday Xuseen Xalane iyo C/kariin xuseen Guuleed in laga saaro Golaha Wasiiradda ee diidmada Baarlamaanka iyo Beesha Caalamka kala horyimid,wuxuuna uga digay Reysalwasaaraha inuu dibb usoo magacaabo laba xubnood oo uu ku sheegay waa lagama maarmaan.

Labada Masuul ee madaxweyne Xasan Sheekh Ra’isal wasaarihiisa ka dalbaday inuu dib usoo celiyo ayaa kala ah  Faarax Cabdiqaadir C/laahi Sambaloolshe oo abti u ah.

Ra’isal wasaaraha ayaa la sheegay inuu arrintaas ka gows adaygay, balse lama hubo waxa uu ka yeeli doono Xubnahan madaxweynuhu ku cadaadiyey inuu soo celiyo.

Labada masuul ee madaxweyne Xasan sheikh haatan dalbanayo, ayaa tiir-dhexaad u ahaa Burburkii xukuumaddii Ra’isal wasaare Cabdiweli, waxana labadan nin ahaayeen qaar Ra’isal wasaarahaasi uu si weyn uga soo horjeeday.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com