Uncategorized

TACSI:URURKA QAREENADA SOMALILAND (SOLLA) OO TACSI KA DIRAYA GEERIDII MAXAMED AXMED KULUC

Anigoo ku hadlaya magaca garyaqaanada Somaliland, waxaan tacsi u dirayaa dhamaan shacabka Soomaalida ah, iyo qoyskii, qaraabadii iyo ummada Muslimiinta oo dhanba geeridii ku timid Fanaankii weynaa Maxamed Axmed Kuluc, oo dhawaan ku geeriyooday laguna aasay magaalada Hargeysa. Waxaanan Ilaahay uga beryayaa inuu marxuumkaasi naxariistii Jano ka waraabiyo…aamiin…aamiin…aamiin.

 

Mohamed-Ahmed-Kuluc-qaraami

 

From: Garyaqaan Xasan Cali Banfas

Gud/Xigeenka Ururka Qareenadda

Somaliland (SOLLA)