Hargeysa:Jan,21,2015(SDN/QJ)-Mudane Khadar Aadan Xuseen(ambassador) oo kamid ahaa xubnaha Golaha wakiillada Somaliland, ayaa si kedis ah shalay xubinimadii Golahaas iskaga casilay, waxana uu warqadda Iscasilaaddiisa u gudbiyey Golaha uu muddada kasoo tirsanaa.
Sida uu warbaahinta qaarkood u xaqiijiyey Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golahaas Ibraahim Mahdi Buubaa, waxa uu mudanahani si cad u sheegay inuu xilkaas ka tegay, waxana uu Mudanayaasha u soo jeediyey inay aqbalaan Cudur-daarka uu sheegtay, balse faahfaahin lagama helin wali waxa ku kallifay Iscasilaadiisa.
Xildhibaan Buubaa, ayaa sheegay inay iscasilaadda Mudanahan u gudbin doonaan Guddida Doorashoyinka qaranka sida sharcigu qabo, waxana uu intaas raaciyey inay aqbaleen Iscasilaadaas.
Mudane Khadar Ambassador oo muddo Toban sano ah kasoo mid ahaa Golaha Wakiillada, ayaa ah Ganacsade weyn oo Dalka si weyn loog yaqaanno, waxana uu kamid yahay Mudanayaasha qurbejoogta ah eek u mashquulsan Dhoofka iyo socdaallada uu ku horumarinayo Ganacsigiisa.
Ma dhacdo inta badan in Xubnaha Golaha wakiilladu ay iscasilaan, waxana inta La ogyahay xubnihii is casilay ay dhamaantood ku biireen dhinaca xukuumadda oo ay xilal ka qabteen, iyadoo ay xusad mudan tahay In Samaale iyo Duur ooh ore uga mid ahaa Aqalka Wakiilladu ay xilkaas iskaga casileen iyagoo kamid noqday Golaha Wakiillada.
Khadar Ambassador lama filayo inuu ku biiri doono Golaha Xukuumadda, maadaama aanu jirin xidhiidh dhaw oo uu la leeyahay Madaxweyne Siilaanyo, waxase wararku intaas ku darayaan inuu ka niyadjabay Fadhiidnimada Wakiillada, isagoo Go’aan ku gaadhay inuu ganacsigiisa u madax Bannaanaado.
SDN/QJ
