Hargeysa, 21 Jan 2015 (SDN/QJ)-Afhayeenka Xisbiga Ucid Ee G.Togdheer Ahna Xoghayaha-War-Faafinta ee xisbiga ee gobolkaa Mukhtaar Mahamed Jama X Diiriye(M Nadaara), ayaa war uu soo saaray, ku sheegay safarka madaxweynaha kaambayn aan xilligiisii la gaadhin.
Qoraalkaa uu soo saarayna wuxuu u dhignaa sidan; “Waxaay Bulshadda Soomaliland Wadda Ogsoontahay Socdaalka Uu Madaxweynuhu Ku maraayaay Goboladda soomaliland ,Haddana Uu Ku Suganyahay Deegaano hoos yimaadda G.Togdheer,oo uu joogay Habeen u danbeeyaay,Runtii waxaa iswaydiin mudan muxuu daaranyahay Safarkan madaxweynuhu oo ay xukuumadiisu ku macnaysay in madaxweynuhu ugu kuur gallayo xaaladda Dalka. Xaqiiqaddii Jawaabta dhabta ahi sidaa maaha waana Erayo lagu Dejinaayo Quluubta Shacabka ,laakiin jawaabta dhabta ahi waxa weeye Kaanbayn aan Xiligiisii Joogin iyo Ka Maquurasho Ku wareerka Hanaankii Dawladnimo Oo ay Ku Fashilmeen iyo Indho sarcaad ay bulshadda ku Madadaalinayaan Safarkan.
Sidaa Darteed Safarkan Uu Hadda Madaxweynuhu Ku Joogo G.Togdheer Waxaanu UAragnaa Wax-tarkii,Awoodii,Kaalintii Madaxweyne Siilayo iyo Wasiiradiisu Inay Dhaafi wayday Inay Kuwareeren Hab-Maamulkii ,Hanaankii ,Hiigsigii iyo Himiladii Dalka inay Ka Soo bixi kariwaayeen Oo ay Kagga Mashquuleen Dalxiis.
Su,aal iswaydiin Mudan Haddii ay Ukuur-gelayaan Xalaadda Dalka Maxay Ugga Hadliwaayeen Xad gudubka ay Xuduudeena ku Soo Samaynayaan Waftiga Uu Hogaaminayo Madax-weyne ku xigeen Maamulka Putland Oo ku soo dhowaaday Magaaladda Qoru-lugud oo ay u dhawyihiin Weftiga Madaxweyne Siilaanyo.
Waxaanu Canbaaraynaynaa Waftiga Uu Hogaaminayo Madax-weyne ku xigeen Maamulka Putland Oo ku soo dhowaaday Magaaladda Qoru-lugud ,waxaanan leenahay Aarintaasi Waa Daan Daansi Siyaasadeed Oo Uu Waddo Maamulka Putland,Waxaanu Xasuusinaynaa inay Goobahaasi yihiin Dhul ka Tirsan Soomaliland. Guntii-Gebo Gebaddii: Waxaan Shacabka Reer Soomaliland iyo Reer Togdheerba ka Codsanayaa inay ilaashadaan,Xuduudahooda,iyo Nabad Gelyadooda”.
