Muqdisho:Jan,22,2015(SDN/QJ)-Caasimadda Somalia ee Muqdisho waddooyinka waaweyn ee dhexmara, waxa si weyn loogu taxayaa calanka dalka Turkiga oo lagu garab xidhayo midka Somalia, iyadoo loo diyaargaroobayo Soo dhaweynta Madaxweynaha Turkiga oo lagu wado inuu berri halkaas kusoo beegan.
Goobaha xalay fiidkii hore lagu bilaabay in lagu xidho calankaas, ayaa waxa kamid ahaa laga soo bilaabo wadada Maka Al Mukarama ilaa midda kale ee tagta Garoonka Duulimaadyada ee Aadan Cadde, waxana si weyn isu beddelay muuqaalkii goobahaas ka hor intii aan calamadaas lagu xidhin.
Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa loo igmaday inay Wadooyinka Badhtamaha Magaalada Muqdisho ku xiraan Calamada Turkiga iyo Somaliya.
Tani waxay qayb ka tahay diyaar garowga ay Dowladda Somaliya ugu jirta soo dhaweyn ballaadhan, oo ay Magaalada Muqdisho ugu sameyso Hogaamiyaha Turkiga, markii labaad muddo afar sano gudahood ah.
Saacadihii ugu dambeeyay waxaa Magaalada Muqdisho soo gaadhaayay khuburo xagga ammaanka ah oo ka socdo dalka Turkiga, kuwaa oo dhabaha u xaadhaaya booqashada uu Madaxweyne Erdoğan ku tegaayo Caasimada Somaliya.
Sidoo kale waxaa la xidhxidhay qaybo ka mid ah Wadooyinka Badhtamaha Magaalada Muqdisho, si loogu xoojiyo ammaanka Muqdisho, loogana hortaggo in qal-qal xagga ammaanka ah, oo ay ka geystaan kooxaha safarkan kasoo horjeedaa.
Booqashada uu Hogaamiyaha Turkigu ku imanaayo Somaliya, ayaa waxay qayb ka tahay booqasho uu bishan ku kala bixinaayo saddex ka mid ah dalalka dhaca Geeska Afrika, oo lagu kala sheegay Somalia, Ethiopia iyo Tanzania.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
