Sanca:Jan,22,2015(SDN/QJ)-Kadib markii dagaal iyo qalalaase badani ka dhacay Xarunta Madaxtoyada dalka Yemen, ayaa waxa soo baxaya war sheegaya in heshiis laga gaadhay dagaalkaas kadib markii madaxweynaha dalkaasi uu ogolaaday inuu heshiis la galo kooxda Xuutiyiinta ah ee dagaalka kula jirtey.
Madaxtooyada dalkaas oo muddo laba cisho ah ay gacanta ku hayeen kooxda Xuutiyiinta, ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in la dhameeyey khilaafkii taagnaa ee keenay dagaalka.
Heshiiska ayaa waxbadan u ogolaanaya jabhadda Xuutiyiinta ee qabsatay madaxtooyada Sanca, isla markaana go’doomiyay guriga madaxweynaha dalkaasi.
Shalay oo dhan, shacabka Yemen ayaa sugayay in ay maqlaan war ku saabsan madaxweynahooda, oo wararka qaar ay sheegayaan in maxbuus ku yahay gurgiisa, maadaama ay xuutiyiinta awoodda badani go’doon ku hayeen muddo saacado ah.
Xuutiyiinta ayaa ku adkeystay dalabkooda, Mareykankuna waxa ay ku adkeysteen taageerada uu u hayo madaxweyne Haadi, halka dalalka gacanka Carbeedna ay ku eedeeyeen Xuutiyiinta in ay sameeyeen afgembi.
Qoraal kasoo baxay madaxweynaha ayaa muujinaya in uu waxbadan u ogolaaday Xuutiyiinta.
Waxa ay heli donaan matelaad weyn oo ay ku yeelanayaan dhammaan siyaasadda dalkaasi, waxaana sidoo kale isbedel lagu sameyn doonaa dastuurka ay diidan yihiin.
Taa bedelkeeda, Xuutiyiinta ayaa sii deyn doona kaaliye sare oo uu leeyahay madaxweyne Abdurabbuh Mansuur Haadi.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
